Muqdisho(RBC Radio) Shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa kacabanaya rag hubeysan oo dhac kula dhaqaaqay shacabka magaalada Muqdisho kuwaas oo ka qaata taleefanada gacanta iyo agabyada kale ee ay wataan qaar kamid ah shacabka Muqdisho ayaa sheegay in xiliyada habeenkii ah ay dhibaato ku hayaan dad hubeysan oo dadweynaha ka furtay Moobeelada gacanta.
dadweynaha ku dhaqan xaafada Xamar-Jadiid ee degmada Warta-nabadda ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney dhibaato xooggan ku hayaan dabley hubeysan oo dhac u geysta dadka ku dhaqan xaafadaas xiliyada habeenkii ah kuwaas oo ka qaata taleefanada gacanta,lacagaha iyo agabyada kale.
Shacabka xaafada Xamar-jadiid ayaa ka codsaday laamaha amaanka dowlada Soomaaliya iney wax ka qabtaan dhibaatada lagu hayo shacabka xaafadaas oo sheegay iney dhac iyo handadaad joogto ah ay ku hayaan kooxo hubeysan oo aan cidne ka amar qaadaan kuwaas oo dhibaateeya shacabka xaafadaas sida ay ku warameen.
Amniga magaalada Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada dowlada Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Amisom waxaana mararka qaar xaafadaha ka dhaca falal lid ku ah amniga dadweynaha magaalada Muqdisho,ciidamada dowlada ayaa dadaal ugu jiray sidii ay u xaqiijin lahaayeen amniga caasimada Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho