Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Hay’ada UNHCR oo Sheegtay Iney sii Badanayaan Soomaalida kasoo Noqonaya Xerada Dhadhaab Walaacne ka Muujisay arintaasi

$
0
0

 

Nairobi(RBC Radio) Hay’ada qaramada midoobe u qaabilsan qaxootiga aduunka ee UNHCR ayaa lagu sheegay in 12-kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah ay ka hayaameen xaryaha qaxootiga Dhadhaab ee waqooyiga bari wadanka Kenya war saxaafadeed laga soo saaray xafiiska hay’ada UNHCR ee magaalada Nairobi ayaa lagu sheeegay in bilihii u danbeeeyey ay qaxooti badan ka tageen xeryaha dhahdhaab.

Warka kasoo baxay hay’ada qaxootiga caalamka ee UNHCR ayaa lagu sheegay in 2-dii bilood ee ugu danbeeyey ay xerada  qaxootiga Dhadhaab oo ah tan ugu weyn aduunka ee ay qaxooti kujiraan ay ka tageen xeradaas iaygoona dib ugu laabtay gobolada dalka Soomaaliya.

Hay’ada ayaa u aaneysa in dadka intaa gaaraya aya ka tagaan xeryaha qaxootiga iney sabab u tahay amniga xeryaha kuyaala Dhadhaab oo kasii darayey bilihii danbe kadib markii ay halkaas kusoo bateen qaraxyada iyo falalka kale ee  la xiriira amni darrada.

UNHCR ayaa walaac ka muujisay in dadka kusoo laabtay Soomaaliya ee kasoo safray xeryaha qaxootiga gobolka waqooyi bari Kenya ay ku laabteen deegaano ka tirsan Koonfurta Soomaaliya oo aysan wali gaarin hawlaha hay’ada gargaarka qaramada midoobe UNHCR ayaa ka dayrisay nolosha qaxootiga kasoo laabanaya xeryaha qaxootiga ee kusoo noqonaya gudaha dalka Soomaaliya.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles