Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaare Saacid oo Booqday Xarunta Xabsiga Dhexe ee Xamar oo uu ka Dilaacay Cudurka Shuban-biyoodka

$
0
0

 

Muqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa maanta markii ugu horeysay booqasho ku tagay Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho kaasoo uu ka dilaacay cudurka Shuban-biyoodka oo soo ritay maxaabiis fara badan oo ku xiray gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar waxaana booqashada R/wasaaraha ku wehliyey xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

R/wasaare Cabdi FAarax Shiirdoon ayaa dhamaan mid mid u galay qolalka uu ka kooban yahay Xabsiga si uu ugu kuurgalo xaalada dhabta ah ee ka jirta Xabsiga oo ay ku jiraan in ka badan 1300 oo maxbuus markii uu soo dhameeyey kormeerkiisa ayuu warbaahinta uga warbixiyey waxyaabihii uu kusoo arkay xabsiga dhexe ee Xamar.

Wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa sheegay inuu indhihiisa ku arkay dhhibaatada baaxada leh ee ka jirtay xabsiga dhexe ee Xamar wuxuuna  sheegay in sida ugu dhaqsaha badan uga jawaabayaan arintaas isagoona ballan qaaday in gurmad muuqda ay ka geysanayaan dhibaatada haysata maxaabiista ku jira Xabsiga oo uu fara ba’an ku hayo cudurka shuban-biyooda oo soo ritay maxaabiis badan.

R/wasaaraha ayaa sheegay in horumarinta iyo ilaalinta mawaadiniinta Soomaaliya hadii ay maxaabiis yihiin iyo hadii kalaba ay tahay ahmiyada koowaad iyo qorshaha ugu horeeya ee dowlada federaalka Soomaaliya wuxuuna sheegay in talaabada ugu horeysa ay maanta qaadayaan si wax looga qabto xaalada cakiran ee ka jirtay xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ka jirto dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin cudurka shuban-biyoodka iyo burbur xooggan oo ka muuqda dhismaha xabsiga.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles