Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud oo kormeeray Cisbitaalka Digfeer oo Turkigu ay ka wadaan Dib u dhis casri ah (Sawirro)

$
0
0

IMG_6746Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin fara badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu horkacayo ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Cisbitaalka Digfeer oo ay ka socoto dib u dhis ay ka waddo dowladda Turkiga,Madaxweynaha ayaa indha indheeyey dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay Cisbitaalka oo qaarkood ay soo gabagabowday dayactirkii lagu sameeyey halka qaar kalane ay wali ku socoto hawsha dib u dayactirka.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo dhammaystay kormeerkiisa warbaahinta kula hadlay gudaha xarunta Cisbitaalka Weyn ee Digfeer,madaxweyne Xasan SH ayaa dowladda turkiga uga mahad celiyey dib u dhiska ballaaran ee ay ku samaysay Cisbitaalka oo ka mid ahaa goobihii ku burburay dagaaladii Sokeeye.

Madaxweynaha ayaa sheegay in qaabka loo dhisay Cisbitaalkan uu yahay qaab casri ah wuxuuna tilmaamay inuusan dalka Soomaaliya horu uga jirin dhisme lamid ah sida uu Turkigu u dhisay Cisbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho,wuxuuna intaa ku daray In Injineerada reer Turki ee gacanta ku haya hawsha dhismaha Cisbitaalka ay u sheegay in Nuuca Cisbitaalkan uu ku yar yahay Qaaradda Afrika.

“Waa arin muhim ah hadyada ay walaalaha turkigu ugu deeqeen shacabka Soomaaliyeed,waad ogtihiin inta ay la egtahay baahida ay shacabka Soomaaliyeed u qabaan adeeg caafimaad,waana inaan si weyn uga mahad celinaa tallaabadaas”ayuu yiri Madaxweyne Xasan SH.

Madaxweynaha ayaa dhanka kale tilmaamay in dowladda Turkigu ay u ballan qaaday iney ka Soomaalida ka caawin doonto dhinacyada Tababarka Dhaqaatiirta iyo Kalkaaliyaasha Cisbitaalka ka hawlgali doona iyo sidoo kale Maaraynta iyo Maamulka Cisbitaalka,isagoona sheegay in muddo 5 sano ah ay maamulka Cisbitaalka gacanta ku hayn doonaan walaalaha Turkiga marka ay dadka Soomaaliyeed isku filaansho gaaraane ay kala wareegi doonaan 5 Sano kadib.

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Kamaaludiin oo madasha ka hadlay ayaa uga mahad celiyey madaxweynaha booqashada uu ku tagay xarunta Cisbitaalka Digfeer si uu usoo arko hawlaha ay Turkigu halkaa ka wadaan,wuxuuna sheegay in tallaabadani ay horu dhac u tahay ballan qaadkii Turkiga ee ahaa iney Muqdisho la mataanayn doonto magaalooyinka dalkaas qaab dhismeedka,wuxuuna hoosta ka xariiqay in dadka Soomaaliyeed ay ka raysan doonaan adeegyadii caafimaad ee dalka dibadiisa ay u aadi jireen marka la dhamaystiro hawsha Cisbitaalka Digfeer.

IMG_6877 IMG_6897 IMG_6914 IMG_6874 IMG_6891 IMG_6838 IMG_6746 IMG_6793 IMG_6819 IMG_6705

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles