Gaalkacyo[RBC Radio]Qaar ka mid ah deegaannada gobolka Mudug ayaa maanta dab lagu qabadsiiyey tirooyin badan oo ka mid ah sanaatiikhda loogu talogalay in ay codkooda ku dhiibaan dadka isku-diiwaangaliyey codbixinta doorashooyinka golaha deegaanka ee Puntland loo qalqaalinayo.
Magaalda Galkacyo ayaa ka mid ah meelaha sanaatiikhdaas waxaana barxadda gobolka maanta lagu gumay tiro ka badan 20 santuukh oo kuwa codbixinta, kuwaasi oo la qabtay iyagoon gaarin goobihii loogu talogalay, waxaana weheliyey kumanaan waraaqaha codbixinta ah.
Barxadda gobolka ayaa hal mar waxaa soo bux dhafshey dadweyne ad ubadan kuwaaso isugu soo baxay si ay u arkaan saanadiikhdaa gubaneysa kuwaaso dab laqabasiiyey.
Sanaadikhda Gaalkacyo lugu gubey ayaa la sheegey inay ahaayen kuwo loowadey Buuhodle halkaaso lugu talagey in shacabku ay ku codeyaan sanaadiikhda.
Deegaanka Bursaalax ayaa iyana waxaa maanta lagu gumay sanaatiikh codbixinta loogu talogalay, sida qaar ka mid ah oo dadka deegaanka ahi ay noo xaqiijiyeen.
Sanaatiikh codbixinta loogu talogalay ayaa ahaa kuwo logu tala galey in la geeyo Bursaalax iyo Goldogob,balse qeybo ka mid ah shacabka ku nool Bursaalax ayaa guud ahanba gubey sandukhyadi ay ku jireen saandiikhda.
RBC Radio