Qardho [RBC Radio] Wararka anuu ka heleyno magaaladda Qardho ayaa soo sheegeya in halkaasi uu dagaal ku dhexmarey ciidamada amniga Puntland oo waday sanaadiiq loogu talagaley inay shacabka ku dhibtaan codadka doorashoyinka golayaasha deegaanka iyo kooxo shacab ah oo kasoo hor jeestey sanadiiqda.
Magaaladda ayaa laga maqley saakey diryanka rasaasta oo noocyo kala gadisan leh, mid ka mid ah dadka deegaanka oo Raxanreeb.com ay la xiriirta ayaa u xaqiijiyey in qoryaha nocyadooda kala gadisan la isku adegsadey.
Ruuxaan aan la xiriirnay ayaa inoo sheegey inuu dagaalku qarxay ka gadaal markii kooxo shacab ah oo hubeysan ay weerar ku qaaden saldhiga ciidanka ee Qardho halkaaso habeenkii xaley ahaa lageeyey sanaadiiqda loogu tala galey inay shacabku codkoda ku dhiibtan.
“Waxan maqlay rasaas ad ubadan oo qoryaha dhawaaqodo sareyo ay ku jiren,dad shacab ah oo hubeysan ayaa weerey saldhiga halkaaso la sheegey in ay yaalin sanaadiiqdii logu tala galey in codadka lugu dhibto”ayuu noo sheegey mid ka mid ah dadka degan Qardho oo an la xiriirney.
Warar kale ayaa sheegeya in ciidamadu ay iyagu weerar ku qaadeen kooxo ay ku tilmaamen inay kasoo hor jeedaan nidaamka xisbiyada iyo doorashooyinka Puntland.
Dagaalkan ayaa dhaliyay sida la inoo xaqiijiyey dhimashada 3-ruux iyo tiro kale oo dhaawac ah.
Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dowaladda iyadoona Qardho uu kusugan yahay wasiirka amniga Puntland.
Inkasto ay jiraan baaqyo kasoo baxaya nabadoonada iyo isimada kusugan Qardho iyagoona ku baaqaya in la joojiyo dagaalka.
Xabado goos goos ah ayaa wali lagamaqlaya magaaladda iyadoona ay ciidamada amnigu kusugan yihiin saldhiga dhexe ee Qardho.
Wixii war ah ee arrintan kusoo kordha dib kala soco gor dhow Raxanreeb.com
RBC Radio