Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Maamulka degmada Buur-hakaba oo ka warbixiyey Ciidan boolis ah oo degmadaas dhawaan la geeyey

$
0
0

buur hakaba oBuur-hakaba(RBC Radio) Maamulka degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay ayaa faah faahin ka bixiyey ciidamo booliska ah oo dhawaan gaaray degmadaas, gudoomiye ku xigeeka degmada Buur-hakaba Xuseen Maankaalow oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidan boolis ah oo ay hore uga dalbadeen dowladda dhexe ee federaalka ay soo gaareen degmadaas.

Gudoomiye xigeenka ayaa sheegay in degmadu ay baahi weyn u qabtay helidda ciidan boolis ah oo hanta sugidda amniga degmada,wuxuuna tilmaamay iney ciidanka u dalbadeen si ay wax uga qabtaan amniga gudaha degmada oo uu sheegay in maalmihii ina dhaafay ay ka jireen falal amni xumo.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Buur-hakaba Xuseen Maankaalow ayaa sheegay in ciidamada booliska ah ee halkaa la geeyey ay durba wax weyn ka bedeen amniga degmada,wuxuuna sheegay in shacabku ay heleen goobo ay geystaan dacwooyinkoodan la xiriira isqab-qabsiga maadaama uu ciidanka boolisku yahay adeegaha bulshada.

Degmada Buur-hakaba oo ay alshabaab kala wareegeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab Milateri ka helaya ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ayaa waxaa hore ugu sugnaa ciidamo Milateri ah kuwaas oo lagu eedeynayey iney qayb ka qaadanayaan amni xumo magaalada laga soo sheegayey kadib markii qaar kamid ah ciidankaasi ay dadweynaha Jidgooyooyin u dhigteen,maamulka degmada ayaa tallaabada ay dowladdu degmada Buur ku geysan ciidamada booliska ah ku tilmaamay guul usoo hoyatay maamulka iyo shacabka degmadaas.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles