Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

SH Cali Dheere:Qaraxii Muqdisho ka dhacay waxaan dhaawac halis ah ku gaarsiinay taliyihii sirdoonka Maraykanka ee dalalka bariga Afrika

$
0
0

cali dheereMuqdisho(RBC Radio) Afhayeenka guud ee ururka alshabaab SH Cali Maxamuud Raage SH Cali Dheer oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ku hadasha afka ururkaas  ayaa tafaasiil ka bixiyey weerarkii  khasaaraha faraha badan geystay ee Labo Maalmood ka hor ay alshabaab ka fuliyeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

SH Cali Maxamuud Raage ayaa ku sheegay shirkiisa Jaraa’id in weerarkaas uu fuliyey ruux wanaagsan oo ka mid ahaa Mujaahidiinta sida uu sheegay kaasoo weerarkaas la helay halkii loogu tala galay,wuxuuna tilmaamay SH Cali Dheere in bartilmaameedka weerarkaasi inuu ahaa nin uu magiciisa ku sheegay Gray Shcroen oo uu sheegay inuu ahaa madaxda Hay’adda Sirdoonka dibadda Maraykanka ee CID-da u qaabilsan dalalka bariga Afrika.

Afhayeenka alshabaab ayaa sheegay inuu dhaawac halis ah kasoo gaaray weerarka lala eegtay Sarkaalka ka tirsan Sirdoonka dibadda ee dowladda Maraykanka sida uu tilmaamay,wuxuuna xusay in sidoo kale ay halkaa ku geeriyoodeen Saraakiil AMISOM ah iyo qaar kamid ahaa ilaalada gaarka ahaa ee Gray Shcroen sida uu hadalka u yiri.

Taliska AMISOM oo gaadiidkooda weerarka lala eegtay ayaa ka hadlay khasaaraha kasoo gaaray weerarkaas oo ay ku sheegeen inuu ku kooban yahay Labo askari oo dhaawac ah,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda Maraykanka oo ku aaddan warka kasoo yeeray alshabaab ee la xiriira iney dhaawac halis ah Muqdisho ku gaarsiiyeen sarkaalkii Sirdoonka dibadda ee Maraykanka u qaabilsanaa wadamada Bariga Afrika.

Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee Jimcihii ka dhacay wadada Xiriirisa Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo KM4 oo ay dhibaato lixaad leh kasoo gaartay shacabka Soomaaliyeed  ayuusan SH Cali Dheere soo hadal qaadin baaba’a halkaa ku gaaray shacabka Soomaaliyeed.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles