Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

R/wasaare Saacid iyo qaar ka tirsan golihiisa wasiirada oo Muqdisho kula kulmay boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed

$
0
0

saacid goodMuqdisho(RBC Radio) R/wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo ay wehlinayaan qaar ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa magaalada Muqdisho kulan kula qaatay boqolaal ka mid ah dhalinyarada wax kabarta Jaamacada Iyo Dugsiyada waxbarashada magaalada Muqdisho.

Ujeedka Kulanka uu R/wasaaruhu la qaatay dhalinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ahaa dowrka ay dhalinta ka qaadan karaan soo celinta nabaddi iyo xasiloonidii dalka iyo sidii ay kaalin mugleh uga qaadan lahaayeen qorshayaasha ay xukuumaddu ku dooneyso iney ku hanato sugidda amniga dalka iyo sidoo kale in xukuumaddu ay dhegeysato aragtida dhalinyarada oo ah laf dhabarta bulshada Soomaaliyeed.

R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid ayaa dhalinyaradii uu kulanka la qaatay ujeediyey hadal dheer oo u badnaa dardaaran iyo tala siin ku aaddan kaalinta ay ku leeyihiin hogaanka iyo aaya katalinta ummadda Soomaaliyeed,wuxuuna kula dardaarmay iney meel iska dhigaan,Qabyaaladda,Argagixisanimada iyo Xumaan oo idil una soo jeestaan wax u qabashada bulshadooda dhibaataysan.

R/wasaare Saacid ayaa ku booriyey dhalinyarada Soomaaliyeed iney dowladda garab istaagaan isla markaane ay xiriir dhow la yeeshaan laamaha amniga dalka si looga hortago falalka amniga liddiga ku ah sida qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah ee  ay shacabka ku hayaan alshabaab.

“Waxaad tihiin madaxdii mustaqbalka hogaamin lahayd dalka, annagu waxaan diyaar u nahay inaan idinku wareejino kuraasta, balse idinkana waxaa la idinka doonayaa inaad noqotaan dhalinyaro xil kas ah oo hufan” sidaasi waxaa yiri R/wasaare Shiirdoon.

Wasiirka Koowaad ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shiirdoon  ayaa wasaaradda adeegga bulshada ku amray iney qabanqaabiso shirweyne loo qabto dhalinyarada Soomaaliyeed kaasoo looga arinsan doono sidii ay talo wadaad toos ah u yeelan lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles