Hawaddu maaha mid Hargaysa & Muqdisho waa mid Soomaaliyeed!
Askar Darwiish
khaatumo2012@yahoo.com
Luuluyo 14 2013
Yuusuf Garaad dabcan waqtigiisa intii ugu badnayd wuxuu ku soo qaatay saxaafadda. Saxaafadda waxyaabaha asalka u ah ee laga barto waxaa ka mid ah, sida qofku aragtidiisa iyo hadafkiisa u meel mariyo isagoon la garan.
Saxaafaddana waa lagu dhigaa in been aan la sheegin laakiin “runta la rog rogo” oo si doqoni ma garatay ah war fikirkaaga ka turjumaya loo soo bandhigo. “Suppression of information” ama xogta oo lala kala hadho waxay iyana ka mit tahay khiyaanadda saxaafadu leedahay. Yuusuf taas ayuu u isticmaalay qoraal aan akhriyay maanta. Laakiin si uu u qariyo inaan taa la fahmin wuxuu qoraalkiisa ku badiyay faah faahin dheeraad ah oo si dad aan ula socota qoraalkiisa laakiin aan ahayn hadafkiisa guud. Wuxuu kaloo isticmaalay wax saxaafaddu aad u isticmaasho oo ah in fikradaha la badhxo oo lagu soo daro fikrado dhexdhexaad u muuqda lana soo geliyo fikir kale taas oo laga wado in hadalka loo ekaysiiyo dhexdhexaad iyo in dhegaystaha ama akhristaha aragtidiisa meelo kala du-duwan loo qaado si ay ugu adkaato inuu fahmo hadafka khaaska ah.
Muhiimaduna ay tahay in akhristuhu ama dhegaystuhu ugu dambayn u qaato qoraalka ama warka sidaad adigu u rabtay.
Yuusuf wuxuu iclaamiyay in Soomaaliya ay ka jirto dowlad aan ku meel gaar ahayn oo aduunku aqoonsan yahay. Laakiin nooma sheegin dowladda Soomaaliyeed ee aduunku aqoonsan-yahay xagay ka bilaabantaa xagayse ku dhamaataa? Yay aduunka u matashaa? Haddii dowladdu mid Soomaaliyeed tahay maxaa keenay gor-gortanka xukunkeedii lagu gor gortamayo? Wuxuu kaloo ogaan uga booday “Soomaaliland” yay matashaa? Sharciyan iyo siyaasiyan midna ma u jirtaa? Dhamaan su’aalahaasi Yuusuf ogaan buu uga booday sababtoo ah waxay inoo sheegi lahayd fikirka uu ka duulayo markuu shacabka is leeyahay war geli.
Dabcan, Yuusuf aragtiyihiisii hore iyo kuwiisa dambaba “Somaliland” wuxuu u yaqaanaa meel Soomaaliya ka baxsan. Wuu cadeeyay fikirkiisa markuu leeyahay “waxay noqonaysaa guul u soo hoyatay Soomaaliya iyo Soomaaliland.” Wuxuu kaloo yiri “Midnimo ama deris wanaag mid uun la isku afgarto.” Iyo taariikhdiisa hore oo ummaddu ka dheregsantahay.
Dowladda Soomaaliyeed ma noqon kartaa dowlad dowlad kale hawadeeda ka wakiil ah? Sharci maanta dhigaya in “Soomaaliland” ka duwantahay Khaatumo, Puntland, Galmudug, Xibin & Xeeb iyo Jubbaland ma jiro. Haddii gobollo qaar ah awood loo siiyay inay wax ka maamulaan hawadda wadanka yaa u diiday inay kuwa kale iyana miiska soo fariistaan? Yuusuf wuxuu kaloo sheegay in Gudoomiyaha iyo ku xigeenka maamulaya hawadda midna Hargaysa soo magacaabayso midna Muqdisho.
Goorma ayaa Soomaali isku raacday in dhaqaalaha ummadda Soomaaliyeed qaybna Hargaysa loo dhiibo qaybta kalana Muqdisho laga maamulo? Miyayna ahayn haddii dowlad Soomaaliyeed ay jirto in iyadda looga dambeeyo wixii danta guud ee wadanka wada gaara? Haddii taasi ayna jirina waa in gobol kasta wakiil u joogaa ileen Soomaaliya maanta waa gobolo gobolo’e.
Yuusuf wuxuu kaloo is waydiiyay in “Somaliland” aqbalayso diyaaradaha ka degaya Khaatumo! Yuusuf muxuu isu waydiin waayay in dowladda Soomaaliyeed taa yeeli karto iyo in kale? Wuxuu naftiisa u sheegay in Khaatumo ka mid tahay “Soomaaliland.”
Awood ay ku diido iyo mid ay ku ogolaato midna ma laha maamulkaa Hargaysa jooga. Haddii dowladda Soomaaliyeed ayna maamuli Karin hantidii qaranka iyo wixii dadku u doorteen, lugooyadda inay ka dayso ummadda ayaa fiican oo howsha ku wareejiso dad howshan hanan kara. Taas Yuusuf ma ku fekeray inuu yiraahdo intuu raali galinta gobollo gaar ah u soo banaan baxayo?
Tan kale, Yuusuf wuxuu af-lagaado gaar ah u gaystay Puntland oo uu ku sheegay inay isku dhereriso “Somaliland.” Waa durid ula kaca oo uu Puntland ugu dan leeyahay.
Anigu waxaan aaminsanahay wax “Soomaaliland” haysato oo ayna Puntland haysan ma jirto. Sabab ay isugu dhererisaana iima muuqato. Haddii aqoonsiga iyo tixgelinta Muqdisho Hargaysa la daba taagantahay ay ku mutaysteen mowqifkooda reeraysan ee ay Soomaali kaga cararyaan, malaha Puntland qiimayn taa le’eg ayay heli lahaayeen haday wadaddaa maraan. Yuusuf iyo xulufadiisuna lugta ma sii mariyeen markay Hargaysa marxabaysiinayaan!
Ugu dambayntii, Fiirada Gaarka (F.G) ah ee ugu dambaysay qoraalkiisa wuxuu Yuusuf inoogu celiyay in cidda is hor fadhiday ay ahayd “Somaliland” iyo Soomaaliya. Taas wuxuu uga dan lahaa difaac uu ku difaacayo fikirkiisa qarsoon haddii la garto. Taas oo ah inuu ugu jawaabo anigu waaqica ayaan ka hadlayay ee kama hadlayn sharciga.Yuusuf hadda suxufi cabudhinaya fikirkiisa shaqsiyanka ah maaha. Wuxuu meeshan ku soo ban dhigaa waa fikir. Laakiin waa fikir uu ku difaacayo siyaasadaha Soomaaliyeed ee iska soo hor jeeda qaarkood. Siyaasigu markuu fikirkiisa siyaasadeed cadeeyo taageeroyaalna waa ku helaa qaarna waa ku waayaa. Qoraalo dahsoon oo la sharxay laakiin qofku kala soo dhex bixi karo fikirka ka dambeeya waxaa ka fiican in runta meesheeda loogu tago. Yuusuf maanta war noo sheegi maayo ee feker buu soo bandhigay. Fikir uu qolana ku buunbuuniyay, qolo ku xaqiray qolana ku duray.
Su’aashu waxaa weeye, maxaa asal u ah siyaasadaada?
Maxaad koox ku diidaa kooxna ku durtaa koox kalana ku taageertaa?
Waqtigii wax la isu qarin jiray maanta Soomaali waa soo dhaaftay! Truth sets you free!
Ogowna, haddii Soomaaliya leedahay dowlad Soomaaliyeed hawadda ha maamusho. Haddii kalana 18kii gobol ha isaga yimaadaan!
Askar Darwiish
khaatumo2012@yahoo.com
========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM