Nairobi [RBC Radio] Wararka ay Raxanreeb ka helayso magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland ayaa sheegaya in Madaxda ugu sarsareysay Hay’adaha Qaramada Midoobey ay isaga baxeen magaaladda, waxaana sidoo kale muddo afar cisho la fasaxay Shaqaalihii Soomaalida ee ka hawgalayey Hay’adahaas.
Madaxda Hay’adahaas ayey diyaarad khaas ah ka qaaday magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland,iyagoona u ambabaxay magaaladda Nairobi oo fariisin u ah inta badan hay’adaha Qaramada Midoobey,waxaana xusid mudan inta dhimana iney maalinimada berito ah isgaa baxayaan Garoowe sida Raxanreeb u sheegay mid kamid shaqaalaha Soomaalida ee NRC u shaqeysa.
Mid kamid ah Shaqaalaha Hay’adda NRC oo jooga magaaladda Garoowe oo Raxanreeb la hadlay ayaa sheegay in dhammaanba maanta Puntland ay isaga baxeen Madaxda ugu sarsareysa Shaqaalaha ajnabiga ah taasoo laga cabsi qabo qalalaase ka dhasha Doorashooyinka gollaha deegaanka Puntland oo 15-ka bishan lagu wado iney qabsoomaan.
Dawladda Puntland madaxdeeda ugu sarsareysa sida Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole kama uusan hadlin bixitaan Shaqaalaha iyo fasaxida kuwa Soomaaliyeed ilaa mudada lagu guda jiro Doorashooyinka Gollayaasha deegaanka Puntland oo laga cabsi-qabo iney khatari ka dhalato.
Ergayga Qaramada Midoobey ee dalka Soomaaliya Nicholas Kay ayaa la sheegayaa in arrimaha uu kala hadlay Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole ay qeyb ka ahayd ka bixitaan Shaqaalaha ajnabiga mudada ay socdaan hawlaha Doorashooyinka ,codsigaasna uu ka aqbalay Madaxweynuhu.
Macada in shaqaalaha baxay ay dib ugu soo noqon doonaan Puntland balse waxay taasi ku xirnaan doontaa hadba meesha ay ku biyo shubato arrimaha Doorashooyinka oo si weyn looga diidanyahay magaalooyinka Puntland qaar kamid ah.
Saameynta Barakacayaasha
Bixitaanka Madaxda hay’adaha Caalamiga ee hoostaga Qaramada Midoobey iyo kuwa Soomaalida ah ee la fasaxay ayey Saameyn weyn ku yeelan doontaa maadaama inta badan Barakacayaasha ku dhaqan Puntland ay ku tiirsanaayeen deeqaha hay’adaha,waxaana laga dareemi doonaan goobahaas xili lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
______________
RBC Radio