Goldagab (RBC Radio) Kooxo ku hubeysan Baastoolado ayaa caawa ku toogtay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug Sarkaal ka tirsanaa Hay’adda Xuquuqul Aadanaha Soomaaliya ee INXA.
Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Cabdifaarax Dheere ayaa xiliga la tooganayey kasoo baxay Masaajidka Al-Towba ee kuyaala Xaafada Israac,waxaana durbadiiba loola cararay Isbitaalka guud ee magaaladda Gaalkacyo.
Qaar kamid ah dadkii kasoo baxay Masjidka oo arkaayey xiliga la tooganayey Cabdifaarax Dheere ayaa Raxanreeb u sheegay in laba dhalinyaro ah ay rasaas ku fureen xili uu kabaha xiranayey marxuumku.
Kooxda dhalinyarada ah oo durbadiiba isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen mana jirto ilaa hadda cid loo soo qabtay dilika Cabdifaarax Dheere oo kamid ahaa Saraakiisha ugu sarsareysa Hay’ada INXA.
Ciidamada amniga ee magaaladda Gaalkacyo oo soo gaaray Masjidka Al-Towba ee ku dhexyaala Xaafada Israac ayaa bilaabay baaritaano kala duwan,waxayna daqiiqado kooban xireen Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa agagaarka Masjidka.
Macada ilaa hadda sababta keentay dilka Marxuum Cabdifaarax Dheere oo ka shaqeynaayey arrimaha Bini’aadamnimada ,wuxuuna kamid ahaa Marxuumku 9-Xubnood oo loo xilsaaray iney kormeer iyo dabagal ku sameeyaan Doorashooyinka Gollayaasha deegaanka Puntland.
Faah-faahinta Raxanreeb kala soco”
____________
RBC Radio
Galdogob