Goldagob (RBC Radio) Xubin sare oo kamid ah Guddiga Kumeelgaarga ah ee Doorashooyinka Gollayaasha deegaanka Puntland ayaa maanta si rasmi ah xilkiisii isaga casilay xili uu ku sugnaa magaaladda Muqdisho.
Cabdirisaaq Shoolle oo Guddiga Kumeelgaarga ah ee Puntland kamid ah oo Saxaafadda magaaladda Gaalkacyo wareysi siiyey ayaa shaaca ka qaaday in gebi ahaanba uu isaga tagay shaqadii uu u hayey Guddiga Doorashooyinka Puntland.
Mudane Cabdirisaaq Shoolla ayaa noqoya Xubintii Saddexaad ee iska casisha shaqda Guddiga Kumeelgaarga ah ee Puntland,waxaana horay usoo magacaabay Gollaha Baarlamaanka Puntland.
Wuxuu ku sheegay Iscasilaadiisa iney salka ku hayso ka dib markii uu arkay in si khaldan lagu wado Hannaanka Dimuqraadiyada taasina aysana ka turjumayn loona baahanyahay in wax laga qabto.
Dhawaan waxaa horay isucasilay laba Xubnood oo u kamid yahay Ambassador Yuusuf Xaaji Saciid (Madaxay) oo horey u sheegay in diidanyahay qaabka Guddiga Doorashooyinka hawsha uu u wado isla markaana laga diiday tallooyin badan oo u bixiyey meel marna noqon waayey.
Guddiga Kumeelgaarga ah ee Doorashooyinka Puntland oo tiradoodu tahay 9-xubnood ,afar waxaa soo magacaabay Baarlamaanka Puntland halka shanta kalena uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole.
Shacabka Puntland ayaa wadnaha farta ku haya ,iyadoona laga war sugayo sida ay ku dhacdo Doorashooyinka Puntland taasoo ay jiraan dad si weyn uga soo horjeeda xili 15-ka bishaan lagu wado iney qabsoomaan.
__________________
RBC Radio
Goldagob