Garoowe (RBC RADIO) Xildhibaan C/laahi Maxamed Jaamac (Quraan-Jecel) oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo u waramayay maanta Warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in Amni daro ka dhan ah Puntland laga abaabulayo Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa taasoo looga soo horjeedo Hormarka Amniga iyo u gudbida Dimuqraadiyada oo ay Puntland ku talaabsanayso sidaa darteedna la doonayo in Dagaal sokeeye la dhex dhigo Umada Reer Puntland ee ku walaaloobay midnimada iyo u gargaarida Shacbiga Soomaaliyeed ee Dagaalada iyo Siyaasad xumada ay Aafeeyeen sida uu xildhibaanku hadalka u dhigay.
“Waxaan la soconnaa in Maamulka hargeysa uu ciidan soo dhoobay Gobolka Sanaag ee Puntland waxaan la soconnaa in Maamulka Muqdisho ka arimiya uu lacag ku bixinayo kala furfurka iyo kala daadinta Puntland quwadeeda waxaan la soconaa in arimahaasi oo idil ay gadaal kasoo riixayaan dad Reer Puntland ah oo wax ma garad ah kuwaasi oo eeganaya lacag yar kuna badalanaya dhulkoodii hooyo, waxaase axaqiiq ah in Sanaag aysan Somali-land noqon doonin, waxaa xaqiiq ah in lacagaha Muqdisho laga soo dhiibayo aysan ku burburi doonin Puntland Shacabkuna ay deegaanadooda ay ku kalsoon yihiin oo aysan ku noqon doonin Mamartii lagu soo xumeeyey ee taa hala ogaado dadka reer Puntlandna arimaasi aan soo sheegay haka warhayeen, sidaana waxaa yiri Xildhibaan (Quraan Jecel)
Xildhibaanku wuxuu sheegay in Muqdisho Dadka ku nool sida uu hadalka u dhigay iyo Hargaysa ay ka xun yihiin in Shacabka Puntland iyo Dowladoodaba ay hogaamiyaan Siyaasada Dalka isagoo tusaale usoo qaatay Shirarkii Garoowe iyo Gaalkacyo ka dhacay ee lagu yagleelay Dastuurka Dalka gunaanadkiina lagu soo doortay Xukuumada iminka ka talisa Dalka oo ay wehliso sida Puntland ay aabe ugu tahay Soomaliya oo nabad Hesha uguna taagnaan doonto wuxuuna Xildhibaanku ka digay isku dirka la doonayo in laga dhex abaabulo umada reer Puntland wuxuuna ku goodiyay in Gacan bir ah Puntland ay isaga qaban doonto Dadka Cadawga ku ah ee shaashadaha ka muuqda sida uu xildhibaanku yiri.
Hadalka xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo siyaasad kala guur ah ay Puntland ku jirto loona hayaamayo Doorashooyinka Golaha Deegaanka wallow ay jiraan dad Mucaaradsan arintaasi waxaase dadbadan ka warsugayaan 15ka July iyo sida uu xaalku noqdo.
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.