Garoowe (RBC RADIO) Wakiilka QM ee Arimaha Soomaliya Mr Nicholes Kay iyo Wafdi uu hogaaminayo oo Soogaaray Saaka Magaalada Garowe ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Puntland Dr Faroole waxayna wada yeesheen kulan iridaha ay u laaban yihiin oo Saxaafada ay Banaan joog ka ahayd kaasi oo looga hadlayay Dhinacyo kala Duwan.
Kulanku Markuu soo idlaaday ayeey 2da dhinac Saxaafada la hadleen Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole wuxuu sheegay in ay soo dhaweynayaan Masuulkan ka socda QM ayna ka wada hadleen Dib uheshiisiinta Guud ee Soomaalida, Arimaha Amniga, Dimuqraadiyada Puntland u talaabeyso iyo arimo kale oo muhiim ah, Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Soomalida ciladu ay dhankeeda ka jirto isagoon cidina farta ku godayn siduu hadalka u dhigay loona baahan yahay in ay iyadu xalisato wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay in Soomalidu is qabqabsigeeda uu noqday mid balaaran sidaa darteedna ay dhankooda soo dhaweynayaan in Miiska wada hadalka leysugu yimaado lagana gudbo wixii aan sharciga ahayn leyskuna raaco wixii sharciga uu qabo meeshana kama uusan saarin in Mugdi uu u dhexeeyo Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Puntland.
“ Waxyaabaha uu u yimid waxaa ka mid ahaa in uu ogaado halka ay mareyso Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada oo hada maraya meel wacan Sanaadiiqdina la gaarsiiyay Gobolo Badan waxaana u sheegnay ineynaan inagu wadin wax dhib ah oo dalka aan hormar u wadno laakiin ay iska jiraan siyaasi si xun wax u sheeg ah iyo Dhalinyaro yaryar oo gadaal lagaga jiro waxaanse u cadeynay in Doorasho ay dhacayso dadkuna ay tilmaaman doonaan Ururka ay rabaan, sidaa darteed waxaan kaloo cadeynayaa in Imaanshaha masuulkan uu u yahay mid taariiqi ah oo muujineysa in Qm ay la shaqeyso Dowlada Federaalka gaar ahana Puntland sida uu yiri madaxweyne Faroole.
Nicholes Kay oo hadal kooban soo jeediyay wuxuu sheegay in ay tahay markii ugu horeesay ee uu Puntland yimaado wuxuuna ku sifeeyey in ay tahay meel Nabdoon dhisan Bilic wanaag leh Amni iyo kala dambeyni ay ka jirto lana hoos tago Maamul Goboleed ka tirsan Dowlada Federaalka ee Soomaliya inta uu joogana wuxuu sheegay in Puntland uu kala tashan doono Arimaha Dib u heshiisiinta Soomalida iyo Qodobada muhiimka ah ee la xiriira Arimaha Doorashooyinka Puntland iyo Dib u eegista Xaaladaha ay ku sugan yihiin Barakacayaasha.
Mr Kay ayaa la filayaa in uu Nagi kusii ahaado Magaalada Garoowe 2maalmood isagoo sida la sheegay Xariga ka jari Doona Mashruuc balaaran oo UNDP ay wax uga Qabaneyso Garsoorka Puntland, waana Markii ugu horeesay uu yimaado Puntland tan iyo intii Xilkan loo magacaabay.
Ibrahim Wadani
RBC RADIO
Xafiiska Wararka Garoowe.