Gaalkacyo[RBC Radio]Wasiiru dawlaha qorshaynta iyo iskaashiga caalamigaa ee Puntland Sayid Maxamed C/dulle Xasan oo maalinti shalay ahyeed soo garay magaaladda Gaalkaacayo kadib safaro shaqo uu u kutagay dalalka Sudaan iyo Turkiga ayaa waxaa uu maantay shir saxaafaded uu ku qabtay Gaalkacyo uu kaga waramay shirar iyo kulamo uu kasoo qayb galay.
Sayid Maxamed C/dulle Xasan ayaa ugu horeen ka warbixiyay shir looga hadlayay yaranta faqriga oo uu kaga soo qayb galay Suudaan waxana uu sheegay in Soomaaliya shirkaasi ay uga qayb galeen xubno matalayey DFS,Puntland iyo Soomaaliland waxana shirkaasi qaban qabadisa laha dawladaha sida weyn uu saamayeen la tacaalidda faqriga iyo hay’ado caalamiya ah.
Shirkaasi ayuu wasiirku sheegay in lugu qaadanayey casharo iyo macluumad lahal maama arimaha ay qadanayeen kuwaasi oo uu sheeagay inay siweyn wax uga ifeen isla markana ay waxka faa’iideen.
“Shirkan waxaa uu ahaa shir looga hadlayay yaranta faqriga waxana ka qayb galay wakiilo ka kala socday DF ee Soomaaliy,Puntland iyo Soomaaliland,waxana qaban qabadisa lahaa hay’ado caalamiya dawladaha sida weyn ay u saamayeen faqriga waxana lugu baranayey casharo farabadan iyo macluumad lahalmaama arimaha laga shirayey waxana ay ahyeen casho anu uga faa’iideeyaan bulshada Soomaaliyeed oo ka mida dadyawga ay la dageen faqriga”waxana intaas ku sheegay shirkiisan-jaraa’id Sayid Maxamed Wasiiru dawlaha qorshaynta iyo iskaashiga caalamigaa ee Puntland.
Waxaa uu intas ku daray wasiirku in shirkan ka dhacay dalka Suudaan casharada ay ku soo barteen uu yahay mid horay logu soo tijaabiyay dalal badan oo caalamkaa kuwasi oo xiligaa ku jiray marxalada dhaqaalo yari ee dalka xiligan uu ku jiro,waxana rajo wanagsan uu ka mujiyay in uu noqdo mid isbadal dalka kena islamarkana mira dhal noqda.
Dhinaca kale waxaa uu wasiirku shir saxaafadedkisan kaga warbixiyay kulan uu dalka Turkiga kula soo yeeshay safiirka Soomaaliya ee turkiga kaasi oo uu sheegay inay kawada ahadaleen arimo dhor ah oo ay kamid ahayeen hor marinta deegaankan waxana uu sheegay inuu warbaxin kasii yay axaladda ka jirta Puntland oo u sicadd ugu shrxay nabada ka jirta deegaanada Puntland,waxana uu sheegay inuu ka dalbaday mashaariicda iyo barnaamijyada hormarineed ee dawladdaasi aya ka fuliso deegaanada Puntland.
Ugu adanbayntina waxaa uu hadalkisa kusoo afjaray inuu rajo wanagsan ka qabo dhamanba waxa ay kawada hadleen safiirka Soomaaliya ee turkiga islamarkana ay fulindoona dhanba codsiyadi hormarineed ee ay kawada hadleen.
Wasiirka ayaa qab ka ahaa xubno ay Puntland u dirsatay ka soo qayb galka shir looga hadlayay yaranta faqriga iyagona 9-bishaan ka an babaxay Puntland.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio Xafiiska Wararka Gaalkacyo