Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka kula kulmay gudiga ay dowladdu u xilsaartay diyaarinta Ajandayaasha shirka 16ka bisha Sep ka dhacaya magaalada Brussles ee xarunta Midowga Yurub kaasoo looga hadlayo dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Soomaaliya.Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya ahna la taliyaha madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Inj. C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa warbaahinta tafaasiil kasiiyey waxyaabihii uu madaxweynuhu kala hadlay xubnaha guda loo xilsaaray diyaarinta Shirka Brussles.
Inj. Yariisow ayaa sheegay in madaxweynuhu uu iskugu yeeray xubnaha gudiga,wuxuuna tilmaamay in ujeedka kulanku uu ahaa in madaxweynuhu uu la dardaarmo gudiga,wuxuuna tibaaxay in madaxweyne Xasan uu gudiga ka codsaday in diyaar garowga shurkaasi uu noqdo mid heersare ah isla markaane ay shacabka Soomaaliyeed ka tala galiyaan arimahaasi.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale gudiga ku booriyey iney joogteeyaan shirarka ay yeelanayaan isla markaane ay shacabka la socodsiiyaan hadba halka ay wax u marayaan, Inj. Yariisow ayaa tilmaamay in madaxweynuhu uu gudiga u sheegay in Caalamku uu ka sugayo Soomaaliya iney shirkaas horgeyso Dukumiinti Dhamaystiran oo qeexaya sida ay Soomaalidu u doonayaan in dib dalkooda loogu dhiso.
Afhayeenka Madaxtooyada ayaa dhanka kale sheegay in gudgani ay sida ugu dhaqsaha badan gaari doonaan gobolada dalka qaarkood sida magaalooyinka, Baydhabo, Garoowe, Hargeysa iyo caasimadda Muqdisho oo fadhigoodu yahay oo ay kula kulmi doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ,wuxuuna tilmaamay in ujeedka safarka gudigan ay ku tagayaan gobolada dalka in la dhegeysto isla markaane shacabka Soomaaliyeed laga tala galiyo Ajandaha la horgeynayo shirka looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya kaasoo 16 bisha Sep. ee sanadkan ka furmaya magaalada Brussles ee xarunta Midowga Yurub.
RBC Radio
Muqdisho