Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Saraakiisha ciidamada ee degmada Matabaan oo dowladda ka dalbaday iney Xuquuqdooda gaarsiiso

$
0
0

ciidan tababaranayaMatabaan(RBC Radio) Saraakiisha Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ee gobolka Hiiraan ayaa ka dalbaday dowladda feredaalka iney wax ka qabato dhibaatooyin ay sheegeen iney xilligan lasoo deristay ciidamada ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan Sarkaal u hadlay ciidanka ayaa sheegay iney dowladda ka codsanayaan iney ka helaan xuquuqda ay ku leeyihiin.

Xasan Maxamed oo kamid ah ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee ku sugan magaaladaas ay haystaan duruufo nololeed oo aad u liita,wuxuuna sheegay in ciidanku aysan xilligan haysan dhammaan agabkii ay u baahnaayeen ee ay hawshooda ku gudan lahaayeen.

“ciidanka halkan ku sugan waxaa haysta,Mushahar la’aan,daawo la’aa,hub la’aan, Tababar la’aan iyo direes la’aan,waxaan ka codsanaynaa dowladda dhexe ee dalka iney ciidanka lasoo gaarto xuquuqdooda ka maqan”ayuu yiri Xasan Maxamed oo kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan.

Wuxuuna hadalkiisa kusii daray in ciidanka dowladda ee ku sugan degmadaas ay hawlo adag u hayaan bulshada isla markaane aysan ilaa hadda wax taageero ah ka helin dhanka dowladda federaalka Soomaaliya,wuxuuna cod dheer ku sheegay iney dowladda uga baahan yihiin gurmad deg deg ah.

 

 

 

 

RBC Radio

Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles