MuqdishoRBC Radio) Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala gadisan ku ridday eedeysanayaal maxkamadda la horkeenay,Maxkamadda ayaa waxaa maanta ay dacwadooda u fariisatay dad gaaray 16 eedeysane oo ku kala eedeysnaa danbiyo kala duwan sida dil,dhac iyo Kufsi,markii uu dhamaaday dhegeysiga dacwadda eedeysanayaasha ayaa waxaa xukunka maxkamadda ku dhawaaqay Dr xaashi Cilmi Nuur gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda,wuxuua sheegay in C/qaadir Maxamed Shardi ay maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay inuu si bareer ah marxuum dil ugu geystay.
Dr Xaashi Cilmi ayaa sidoo kale sheegay in maxkamaddu ay xukunno kala duwan ku ridday qaar kamid ahaa dadkii maxkamadda la horkeenay kuwaas oo lagu helay danbiyadii lagu soo eedeeyey,Cabdi Axmed Bisle ayey maxkamaddu ku xukuntay 10 sano oo xarig ah iyo 10 Milyan oo shilin Soomaali ah,Maxamed Ibraahim ayey maxkamaddu isne ku xukuntay 6 sano oo xabsi ah iyo intaa in la eg oo lacag ah.
RBC Radio
Muqdisho
C/llaahi Daahir iyo Xakiimo Xasan Fareey ayey maxkamaddu midkiiba ku xukuntay Min 3 sano oo xarig ah iyo 3 Milyan oo Shs ah,gudoomiyaha ayaa sheegay in eedeysanayaasha kale dib loo dhigay go’aan ka gaarista xukunkooda maalmaha soo socda.