Muqdisho(RBC Radio) Qaban qaabada aaska Safiirkii Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa ka socota magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,diyaarad sidday Maydka Alla ha u naxariistee Sayid Shariif Safiirkii Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey gudi wasiiro ah oo loo xilsaaray aaska Marxuumka.
Markii Maydka laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha ayaa waxaa loo qaaday xarunta madaxtooyada qaranka Soomaaliyeed ee Villa-Soomaaliya halkaas oo madaxda ugu saraysa dowladda federaalka Soomaaliya ay kula Tukadeen Salaadda Janaasada.
Gudiga ku hawlan qaban qaabada aaska Marxuumka ayaa warbaahinta u sheegay in Meydka Sayid Shariif la gaarsiiyey Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho halkaas oo daqiiqadaha soo socda lagu wado in lagu aaso Safiirkii Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika.
Danjire Sayid Shariif ayaa dhawaan ku geeriyooday Cisbitaal ku yaalla magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika kadib markii ay kusoo boodeen xannuunada Dhiig-karka iyo Sonkorta oo isbiirsaday,waxaana maanta Meydkiisa Muqdisho keenay qaar kamid ah eheladiisa iyo Shaqaalaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo kamid ah masuuliyiinta ku hawlan aaska Marxuumka ayaa ka tacsiyeeyey geerida Safiirka,wuxuuna Alle uga baryey inuu u naxariisto,Samir iyo Iimaane uu ka siiyto Eheladii,Qaraabadii,Saaxiibadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho