Image may be NSFW.
Clik here to view.Muqdisho(RBC Radio) Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta dalka dib ugu soo noqday ayaa ka warbixiyey Safarkii ay Turkiga ku tageen waftigii uu hogaaminayey ee Istanbuul kaga qayb galay Shirkii dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ku dhexmaray dalkaas iyo kulan uu la qaatay dhigiisa dalka Turkiga.
C/kariin Xuseen Guuleed oo maanta barqadii kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa ka warbixiyey waxyaaabaha kasoo baxay shirkii Labada maalmood qaatay ee dowladda federaalka iyo Maamulka Soomaaliland ku dhexmaray magaalada Istanbuul.
Wasiirka ayaa sheegay in shirkaasi ay kaga wada hadleen dhowr qodobo oo muhim ahaa,wuxuuna tilmaamay in qodob kamid ah qodobadii ay ka wada hadleen ay ku heshiiyeen,C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in qodobka heshiiska laga gaaray uu yahay maamulka hawada Soomaaliya.
“Waxaan guul ka gaarnay qodobka maamulka hawada,waxaan isku raacnay iney sax ahayd in Soomaalidu ay la wareegto maamulka hawadooda,waxaan ku heshiinay in gudi isku dhaf ah ay kasoo talabixiyaan sida loo maamulayo hawada Soomaaliya”ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa dhanka kale ka warbixiyey kulan uu la yeeshay wasiirka arimaha gudaha dalka Turkiga,wuxuuna sheegay in kulankaas diirada lagu saaray sidii uu iskaashi u dhexmari lahaa wasaaradaha arimaha gudaha Soomaaliya iyo Turkiga,wuxuuna intaa ku daray in wasiirka arimaha gudaha turkigu uu u ballan qaaday Taageero dhan walba ah Soomaaliya,wuxuuna xusay in dhawaan la magacaabi doono gudi isku dhaf ah oo ka kala socda labada dal kuwaas oo ka shaqayn doona sidii ay isku kaashan lahaayeen labada wasaaradooda ee labada dal.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho