Muqdisho(RBC Radio) Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay iney sii wadi doonto dagaalka ilaa ay alshabaab ka sifeyso guud ahaan dalka Soomaaliya wasiirka wasaarada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa sheegay iney ka go’an tahay dowlada Soomaaliya iney sii wado dagaalka ay ku hayso alshabaab tan iyo inta ay ururka alshabaab ka sarayso deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka.
Wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay in maalmaha soo aaddan ay alshabaab ka qabsan doonaan deegaano hor leh oo ay hada ka arimiyaan wuxuuna ballan qaaday in waqti aan dheereen ururka alshabaab laga dabar goyn doono dalka Soomaaliya isagoona intaa ku daray in xukuumada Soomaaliya ay soo dhmaystirtay diyaar garowgii weerar kama danbeys ah oo ay la galaan alshabaabka dagaalka kala jorjeeda.
Hadalka wasiirka difaaca xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa imaanaya xili dhawaan isbedel weyn lagu sameeyey hogaanka ciidamada xooga dalka Soomaaliya kadib markii xilka laga qaaday saraakiishii ugu saraysa ee taliyaha xoogga dalka Jen C/qaadir Sh Cali Diini iyo Abaanduulihii ciidanka Jen. C/kariin Aadan Dhegabadan.
Dowlada Soomaaliya oo kaashaneysa ciidamada Amisom iyo kuwa Itoobiya ayaa alshabaab ka saartay gobolo fara badan oo ay muddo sanado ah ka arimin jireen waxaana muuqata in maalin walba ay ciidanka dowlada Soomaaliya guulo ka gaarayaan dagaalka ay kula jiraan alshabaab iyagoo la wareegaya deegaano hor leh oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha alshabaab.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho