Muqdisho (RBC) Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dawlada federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil ayaa sheegay in maamulka Puntland uusan xaq u lahayn inuu lacag cusub soo geliyo dalka taasina ay tahay awooda dawlada federaalka.
Wasiirka ayaa sheegay in dawlada federaalka ay wado daraasad la xiriirta sidii lacag cusub oo Shilin Soomaali ah loo keeni lahaa dalka si wax looga qabto sicir bararka maciishada ee dalka hareeyay taasoo ka dhalatay hoos u dhaca qiimaha sarrifka lacagaha qalaad iyo shilinka.
“Maya Puntland xaq uma leh inay keligeed lacag soo geliso dalka.” ayuu yiri wasiirka oo ka jawaabay hadal uu dhowaan saxaafadda ka sheegay wasiir ka mid ah maamulka C/raxmaan Faroole oo ku saabsanaa in mudo ka yar bil ay Puntland lacag cusub dalka ku keeneyso.
Wasiirka maaliyadda iyo qorsheynta dawlada federaalka Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan Cawil wuxuu sheegay in dawladu aysan ku deg degi doonin keenista lacag cusub iyadoo aan la qiimeyn dhibaatada ay u geysan karto dhaqaalaha dadka Soomaaliyeed.
“Keenista lacagta waxay u baahan tahay daraasad dheer, waanu wadnaa, marka aanu ogaanlo saameynta ay yeelan karto ayaan ka dib ka arrinsan doonaa aniga iyo madaxda iga sareysa iyo kuwa iga hooseeya.” ayuu sii raaciyey wasiir Suleymaan hadalkiisa.
Mar uu wasiirku ka hadlay eedeynta ah in qaar ka mid ah ganacsatada sarrifka ay hadba isbedel jeebkooda ah ku sameeyaan qiimaha sarrifka suuqyada ayaa wuxuu sheegay in arrintaasi ay dawladu isha ku hayso haddii lagu helana ganacsato ku lug leh qalqalgelinta maciishada in lagu qaadi doono tallaabo culus.
“Arrintaasi ninkii ay ku cadaato waa dembi qaran, dawladuna cidii ay ku hesho inay ka dambeyso sicir bararka waxay ka qaadeysaa tallaabo harciga waafaqsan.” ayuu yiri wasiir Cawil.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho