Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa saaka baaritaano ballaaran ka wada xaafadaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir Ciidamada ayaa saaka gudaha u gala guryaha ku yaalla xaafadaha kala gadisan ee degmada Hodan iyagoo baadi goobaya dhalinyarada ka tirsan alshabaab oo falal amni darro ka wasay degmadaas habeenadii lasoo dhaafay.
Ciidamada ayaa la sheegayaa iney gudaha u galeen xaafadaha Hodan waxaana la tilmaamayaa iney baaritaanada ku samaynayaan guryaha,dadka lugaynaya iyo gaadiidka dadweynaha,ciidamada ayaa baaritaanada maalmahan dabe ay ka wadaan kusoo qabqabtay boqolaal ruux kuwaas oo marka danbe intooda badan dib loosii daayo.
Degmada Hodan ayaa habeenadii danbe waxaa ka dhacayey falal lid ku ah amniga degmadaas kadib markii dhowr habeen oo is xig xiga ay ka dheceen falal lagu carqaladeynayo amniga xaafadaha degmadaas waxaana dhacday in gantaalo lagu tuuray Saldhiga Booliska degmadaaas.