Muqdisho(RBC Radio) Xaaladaha Cisbitaalka magaalada Beledweyne ayaa laga dayrinayaa agaasimaha Cisbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan Axmed Max’ed Khaliif ayaa ka dayriyey xaaladda Cisbitaalka guud ee Beledweyne oo ay bishii December ee sanadkii 2012 ka baxday hay’adii MSF oo muddo 6 sano ah gacanta ku haysay.
Agaasimaha ayaa sheegay in Cisbitaalka oo aay ku jiraan bukaaro fara badan oo la il daran cuduro kala duwan ay hada ka taagan tahay dawo yaraan baahsan wuxuuna daboolka ka qaaday in shaqada Cisbitaalka magaalada Beledweyne ay ku soco si gabaabsi ah wuxuuna qayla dhaan u diray cid walba oo wax ka qaban karta dhibaatada Cisbitaalka Beledweyne iney gar gaar deg deg ah lasoo gaarto.
Agaasimaha Cisbitaalka Beledweyne ayaa sheegay in iyadoo markii hore uu Cisbitaalku awood u yeelan waayey kaafinta bukaanada ku jira Cisbitaalkaas oo ay soo riteen cuduro kala duwan dadkaas oo laga kala keenay guud ahaan deegaanada gobolka Hiiraan.
Axmed Max’ed Khaliif agaasimaha Cisbitaalka ayaa sheegay in cudurka shuban-biyoodka uu hada fara ba’an ku hayo shacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne wuxuuna tilmaamay in dada badan ay la ildarn yihiin cudurka shuban-biyoodka isagoona hoosta ka xariiqay in Cisbitaalku uusan dabooli karin baahida Caafimaad ee ay qabaan shacabka Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan,wuxuuna qayla dhaan u diray dowlada,hay’adaha,Jaaliyadaha dibadaha iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta wax u qabashada Cisbitaalka iney usoo gurmadaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho