Badhaadhe(RBC Radio) Wararka ka imaanaya gobolka Jubada hoose ayaa ku waramaya in deegaano ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolkaas uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo ciidamo ka tirsan alshabaab.
Dagaalka ayaa lasoo sheegayaa inuu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah,waxaana dagaalka ku dhintay inta la ogyahay 5 ruux oo dhammaantood ah dhinacyadii dagaalamay,dagaalka ayaa la tilmaamayaa inuu socdo saacado badan,waxaana xiligan lasoo sheegayaa in ciidamadii dagaalamay ay wali isku hor fadhiyaan deegaano hoos yimaada degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose.
Wararka ka imaanaya deegaanada uu dagaalku ka dhacay ayaa waxa ay ku waramayaan in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM ay halkaa ka wadaan dhaqdhaqaaq ciidan oo ay ku doonayaan iney mar kale ku weeraraan ciidanka alshabaab oo iyagune isku aruursanaya deegaanadaas.
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in halkaa ay ka taagan tahay xiisad colaadeedwaxaana laga cabsi qabaa in dagaalku uu dib halkaa uga qarxo,ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada ku dagaalamay deegaanada hoos yimaadda degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada hoose.
Alshabaab oo awood Milateri looga saaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa ka wada deegaanada gobolkaas dagaalo kudhufoo ka dhaqaaq ah,ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM ku siqaya deegaano hor leh oo ay alshabaab gacanta ku hayaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho