Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Gudoomiyaha baarlamaanka oo qiray in ciidanka dowladda ee xiligan jira aysan u tababarneen ilaalinta xuquuqda Mawaadiniinta Soomaaliyeed

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ee xiligan jiray aysan u tababarneen ilaalinta xuquuqda mawaadiniinta Soomaaliyeed ee loo xilsaaray iney ilaaliyaan Sharaftooda,Hantidooda iyo Noloshoodaba,gudoomiyaha ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu shalay xarunta golaha baarlamaanka ee Muqdisho kula yeeshay boqolaal dhalinyaro Soomaaliyeed.

Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan ayaa qiray in ciidanka dowlada Soomaaliya aysan lahayn tababar iyo tayo ku filan,wuxuuna tibaaxay in golaha baarlamaanka Soomaaliya uusan marna ogolaan doonin in askartu ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney kala xisaabtami doonaan Wasaaradaha ay ciidamadaasi hoostagaan.

Jawaaro ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii ay dalka nabad ugu soo dabaali lahayd isla markaane dib loogu dhisi lahaa,wuxuuna ka codsaday dhalinayarada Soomaaliyeed iney kaalintooda ka qaataan Nabadaynta dalka iyo dib u dhiskiisa.

Wuxuuna ku booriyey dhalinyarada Soomaaliyeed iney ka waantoobaan Tahriibka oo uu sheegay iney khatar ku yahay noloshooda iyo Mustaqbalkooda,gudoomiyaha ayaa u sheegay dhalinyaradii uu kulanka la qaatay iney yihiin madaxdii Mustabalka isla mar ahaantaane looga fadhiyo iney doorkooda ka qaataan dib u dhiska iyo xasilinta dalka si looga boxo dhibaatada dabada dheeraatay ee ku habsatay ummadda Soomaaliyeed.

Sanad walba waxaa dalka ka carara boqolaal dhalinyaro ah kuwaas oo ku sheega sababaha ay dalka uga baxsanayaan iney ka mid yihiin amni xumo,shaqo la’aa,iyo iney bartilmaameed u noqdeen dhinacyada isku haya Siyaasadda Soomaaliya.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles