Hargeysa(RBC Radio) Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada sida weyn looga yaqaano deegaanada Soomaaliland ayaa si kulul u weeraray masuuliyiinta maamulka Soomaaliland,xilli uu ka hadlayey Khudbadii Salaadda Jimce ayaa Sheekhu waxa uu si caro leh uga hadlay lacagaha faraha badan ee masuuliyiinta maamulkaas ay Mushaharaadka u qaataan.
Sheekh Aadan Siiriyo ayaa sheegay iney ayaan darro iyo qaadan waa ay tahay in mudanayaashii baarlamaanka Soomaaliland ee bulshada ay soo doorteen kuwaas oo laga sugayey wax u qabashada shacabka iney meel mariyaan sharciyo Mudhaharka madaxweynaha Maamulkaas loogu kordhinayo.
Wuxuuna wax laga noxo ku tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo uu bishii mushahar ahaan u qaato 12Kun oo doolarka Maraykanka ah,halka ku xigeenkiisu uu isne qaato 7Kun oo doolar xilli ay baahi iyo Macaluul la ildaran yihiin badi bulshada ku nool deegaanada uu ka arimiyo maamulka Soomaaliland.
“Dadkeennii oo Gidaarada Gaajo ugu dhimanaya,dhalinteennii oo dunida lagu kala iibsanayo,waa ayaan darro in madaxweynaha Soomaaliland uu Mushahar ahaan u qaato 12Kun oo doolar” ayuu yiri Sheekh Aadan Siiro.
Sheekha ayaa isbarbar dhigay tirada dadka ku nool deegaanada Soomaaliland oo ah 4 Milyan iyo bulshada ku dhaqan dalka Indonesia oo gaaraya 150 Milyan,wuxuuna Nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliland oo masuul ka ah 4 Milyan oo ruux uu Mushahar ahaan u qaato 12Kun oo doolar hadlka madaxweynaha dalka Indonesia oo hogaamiya 150 Milyan oo ruux uu muhahar ahaan bishii u qaato wax ka yar 2Kun oo doolarka Maraykanka.
Sheekh Aadan Siiro ayaa si cad ugu eedeeyey masuuliyiinta Soomaaliland iney ku lug leeyihiin Tahriibka,wuxuuna sheegay iney jiraan qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka Soomaaliland oo gacan ka geysanaya in dhalinta deegaanadaas ay u hayaamaan wadamada caalamka,masuuliyiinta Soomaaliland ayaan ilaa hadda ka hadlin eedda kulul ee uu usoo jeediyey Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada sida weyn u taageersan goonni-isutaagga Soomaaliland.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho