Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

AKHRISO: Sharciga Dhismaha Maxkamadda Dastuurka ee Baarlamanka loo Gudbiyey

$
0
0

SHARCI L………………:

SHARCIGA DHISMAHA MAXKAMADDADASTUURKA.
Qod. 1aad
Abuuridda Maxkamadda Dastuurka

Waxaa sharcigan lagu dhisayaa Maxkamadda Dastuurka ee Federaalka sida ku xusan Qod. 109b ee Dastuurka.

Qod. 2-aad
Xarunta Maxkamadda 

1. Xarunta Maxkamadda Dastuurka ee Federaalka waa caasimadda dalka ee Muqdisho, iyada oo xilkeedu ku baahsan yahay dhammaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Maxkamadda Dastuurka waxay awood u leedahay in ay ku qaado dacwadaha loo soo gudbiyo meel kasta oo dalka JFS ka mid ah.

Qod. 3aad
Qaab-dhismeedka Maxkamadda Dastuurka 

1. Maxkamadda Dastuurku, waxay ka kooban tahay 5(Shan) xubnood oo Garsooreyaal ah.

2. Maxkamadda waxay leedahay Guddoomiye, Guddoomiye ku-xigeen iyo saddex (3) xubnood.

3. Maxkamaddu waxay yeelanaysaa shaqaale kala ah Kaaliyeyaal iyo Maamul lagu hawl-gelinayo si waafaqsan sharciga shaqaalaha rayidka dawladda.

Qod. 4aad
Xilka iyo Awoodda Maxkamadda Dastuurka 

Maxkamadda Dastuurku waxay ka garnaqdaa dacwadaha la xiriira:

1. Dacwadaha la xiriira waafaqsanaanta Dastuurka ee sharciyada caadiga ah ee ka soo baxa Golaha Shacabka iyo qoraalada leh qiima sharci (ku dhaqan sharci), sida ku xusan qodobbada 86,109B &109C ee Dastuurka;

2. Fasiraada qodobada dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka marka laysku khilaafo nuxurka iyo ujeeddada ay leeyihiin;

3. Dacwadaha lagu durayo sharci hore loogu dhaqmayey sabab la xiriirta waafaqsanaantiisa dartuurka;

4. Gal-dacwadeed uga yimid Maxkamad ay hortaalo dacwad u dhexaysa dhinacyo kala duwan oo lagu dooday dastuurnimada qodobo khuseeya isla dacwadaas;

5. Khilaaf dastuuri ah oo dhexmara laba maamul-goboleed ama Dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleed;

6. Khilaaf dastuuri ah oo u dhexeeya hay’adaha dastuuriga ee Qaranka;

7. Eedaymaha la xiriira ku xad-gudubka dastuurka ee madaxda Qaranka; iyo

8. Wixii kale ee dastuurka ama sharciyada kale ee dalku u xilsaaraan.

Qod. 5aad
Dacwad-hor-keenida Maxkamadda

Waxaa Maxkamadda Dastuurka dacwad hor keeni kara:

1. Xubnaha Aqalka Sare oo dhan ama ergada dawlad ka mid ah kuwa federaalku ka kooban yahay;

2. Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Federaalka;

3. Go’aan ku salaysan oggolaanshaha 3 meelood xubnaha Golaha Shacabka, ama;

4. Go’aan ku salaysan saxiixa 10.000(Toban Kun) oo codbixiye diiwaan gashan;

5. Maxkamaddaha caadiga ah;

6. Shakhsi ama Maamul-goboleed;

7. Cod-bixiyeyaal gaaraya 40,000 oo diiwaan gashan; iyo

8. Ciddii kale oo sharcigu oggolaado.

Qod. 6aad
Hab-raaca Dacwadaha 

1. Hab-raaca dacwadaha Maxkamadda Dastuurka waxaa lagu salaynayaa xeerka habka madaniga ah.

2. Dacwad kasta oo la hor keeno ama loo soo gudbiyo Maxkamaddu waxay ku jawaabaysaa go’aan sababaysan.

3. Garsooraha Maxkamadda waxaa ka reeban in uu galo dacwad uu dan ka lahaan karo (conflict of interest).

4. Go’aanka Maxkamadda Dastuurka waa kama dambays.

Qod. 7aad
Shuruudaha Garsooraha Maxkamadda Dastuurka

Shuruudaha Garsooraha Maxkamadda Dastuurka waa:

a) In uu leeyahay xaalad caafimaad oo uu ku gudan karo xilkiisa;

b) Daacadnimo & Hufnaan;

c) haysta shahaado Jaamacad sharci ama shareeco la aqoonsan yahay kuna xeel-dheer qaanuunka dastuurka.

d) Da’diisu ka yarayn 40 Sano;

e) In aysan maxkamadi horay uga gaarin go’aan kama dambays ah dembi uu galay;

f) Leeyahay waaya-aragnimo la xiriirta in uu ku soo shaqeeyey sharciga.

Qod. 8aad
Habka magacaabidda Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka 

Liiska magacyada Garsooreyaasha Maxkamadda Dastuurka, waxaa soo jeedinaya Golaha Wasiirrada, waxaana oggolaanaya Golayaasha sharci dejinta, waxaana Dekreeto ku soo saaraya Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya sida ku xusan Qod. 90aad ee Dastuurka.

Qod. 9aad
Xasaanadda Garsooraha Maxkamadda Dastuurka 

Garsooreyaasha Maxkamadda Dastuurka waxay leeyihiin xasaanad la mid ah Garsooreyaasha Maxkamaddaha dalka.

Qod. 10aad
Muddada xilka Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuurka 

Wadar ahaan iyo keli ahaanba, muddada xilka Garsooreyaasha Maxkamadda Dastuurka waa 4(Afar) Sano oo hal mar la cusboonaysiin karo.

Qod. 8aad
Misaaniyad sanadeedka 

Maxkamadda Dastuurku waxay yeelanaysaa miisaaniyad sanadeed loo qoondeeyey oo ugu jirta miisaaniyada guud ee Goalaha Adeegga Garsoorka.

Qod. 10aad
Tirada Dacwad-gelida Garsooreyaasha 

Tirada Garsooreyaasha u fadhiisan kara Dacwad hortaal Maxkamadda waa ugu yaraan 3 (saddex) Garsoore iyadoo la tixgelinayo hadba culeyska dacwadu leedahay.

Qod. 11aad
Dacwooyinka la xiriira waafaqsanaanta dastuurka

1. Marka la qaadayo dacwooyinka ku saabsan waafaqsanaanta dastuurka, waxaa la raacayaa habka loo dejiyay dacwooyinka idaariga ah, inta ay ka qaban karaan.

2. Dacwooyinka waafaqsanaanta dastuurka waxaa ka soo qayb gelaya, ka sokow dhinacyada ay khusayso, Garyaqaanka Guud ee dawladda iyo Xeer Ilaaliya Guud ee Qaranka si loo ilaaliyo danaha guud ee bulshada iyo ku dhaqanka dastuurka.

Qod. 13aad
Faafinta Xukunnada

1. Maxkamadda Dastuurka, markay u muuqato inuusan arrinka waafaqsanaanta dastuurku sal lahayn, waxay ku caddaynaysaa go’aan kama dambays ah.

2. Maxkamadda Dastuurka, markaay u aragto in arrinka waafaqsanaanta dastuurka qaarkiis ama dhammaantiis yahay mid sal leh, waxay go’aan kama dambays ah ku caddaynaysaa kuwa ay yihiin qodobbada sharci oo aan waafaqsanayn dastuurka. Waxaa kale oo ay caddaynaysaa qodobbada kale ee sharciga oo sharcidarradoodu keentay in go’aankan la gaaro.

3. Dhammaan go’aannada Maxkamadda Dastuurka waa in Guddoomiyaha Maxkamaddu ogaysiin ugu diraa nuqul tasdiiqsan, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda, Afhayeennada labada aqal iyo Ra’iisul Wasaaraha, nuqul kalena ugu dhigaa kaalinta Maxkamadda, dhinacyadii arrinku khusayay.

4. Go’aannada Maxkamadda oo ku saabsan waafaqsanaanta la’aanta dastuurka , waa in lagu soo qoro Faafinta Rasmiga ee Jamhuuriyadda 10(Toban) maalmood gudahooda, marka laga bilaabo taariikhdii Ra’iisul Wasaaraha loo soo gudbiyay.

Qod. 14aad
Dhaqan galka Go’aannaga Maxkamadda Dastuurka 

1. Go’aanka Maxkamaddu, haddii sharciga aan dastuurka waafaqsanayni ku saabsan yahay qaanuunka ciqaabta, dhaqan galkiisu waa inuu ku salaysnaadaa, waqtiga dantu ugu jirto qofka xarigiisa ama ciqaabtiisa loo cuskaday sharcigaas buray(favor reo).

2. Markii laga reebo xaaladda ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan, Maxkamadda ayaa yeelanaysa awoodda go’aan ka gaarista waqtiga dhaqan galka go’aankeeda, iyada oo miisaamaysa danta dhinacyada arrinka ku lugta leh iyo danaha guud ee bulshada.

Qod. 15aad
Dhaarta

Dhammaan Garsoorayaasha maxkamadda iyo xubnaha kororsiimada ah, waxay marayaan dhaarta hoos ku qoran:

“Waxaan ku dhaaranayaa magaca Ilaahay inaan xilkayga u guto si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu kujirto, dhawrana Dastuurka qaranka iyo shuruucda kale oo dalka u yaalla.”

Qod. 16aad
Baabi’in 

Waxaa sharcigani burinayaa dhammaan wixii sharci ah oo aan la socon karin ama ka hor imanaya.

Qod. 17aad
Dhaqan-galka Sharcigan

Sharcigani wuxuu dhaqan-gelayaa, marka Golaha Baarlamaanku oggolaado, Madaxwaynuhuna Dekreeto ku soo saaro isla markaana uu ku soo baxo Faafinta Rasmiga ah.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles