Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb oo maanta la caleemay saaray

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Xaflad ballaaran oo lagu caleemasaarayey madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxamed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaas, Xafladda caleema saarka  ayaa waxaa ka qeyb galay  xubnaha baarlamaanka Ximan iyo Xeeb, odayaasha dhaqanka, culimaa’uddiinka, qeybaha bulshada, wafuud Muqdisho ka tagtay oo ay ka mid yihiin mudanayaal ka tirsan gidiyada baarlamaanka iyo masuuliyiin ka kala yimi gobolada dalka.

Madaxweynaha Cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb C/llaahi Cali Maxamed ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay xilka madaxweynanimo ee maamulkaas,wuxuuna xilkaa kala wareegay madaxweynihii isaga ka horeeyeyMaxamed C/llaahi Aadan Tiicey oo xilkaas soo hayey 5tii sano ee u danbeysay.

Madaxweynaha cusub ayaa ballan qaaday inuu wax nbadan u qaban doono bulshada ku dhaqan deegaanada uu ka arimiyo maamulka Ximan iyo Xeeb,wuxuuna ka codsaday masuuliyiintii hore ee maamulkaas iney gacan kusiiyaan  gudashada hawsha culus ee loo xilsaaray.

Madaxweynihii hore ee maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa dhankiisa isne  ballan qaaday inuu la shaqeyn doono mas’uuliyiinta maamulka cusub, wuxuuna daboolka  inuu ku qanacsan yahay sidii ay u dhacday doorashadii dhowaan ka dhacday magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaas.

Cabdi Maxamed Axmed   oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulkaas ayaa isne  xilka kala wareegay Cabdiraxmaan Cabdullaahi Shaati-cadde oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee maamulka ximan iyo xeeb,dhammaan marti sharafkii iyo masuuliyiintii madasha ka hadlay ayaa ammaanay sida hagaagsan ee aan buuqa iyo isqab-qabsiga  lahayn ee ay ku dhacday doorashada madaxweynanimo ee maamulka Ximan iyo Xeeb.

.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles