Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Jawaari oo dhalinyaro kula kulmay xarunta Golaha Shacabka (Sawirro)

$
0
0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta boqolaal dhalinyaro ah kula qaatay xarunta Golaha Shacabka kulan wadatashi ah oo ku aadan doorka iyo fursadaha dhalinyaradu ay ku yeelan karaan hormarka Dalka.

Kulankan oo qeyb ka ah kulammo wadatashi ah oo mudooyinkanba uu Gudoomiyaha Baarlamaanka la qaadanayey qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa kasoo qeybgalay ku dhowaad 300 dhalinyaro ka kala socotay ururrada Dhalinyarada ee Dalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo si rasmi ah u furay kulankan ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey dhalinyaradii kasoo qeybgashay kulankan wadatashiga ah sida ay ugasoo jawaabeen casuumaad uu u sameeyey Gudoonka Baarlamaanka waxaana uu intaasi ku daray in dhalinyarada Soomaaliyeed ay maanta hortaalo fursad ballaaran oo ay dalkooda, dadkooda iyo diintooda ugu adeegi karaan, sidoo kalena Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxa uu ku dhiirageliyey dhalinyarada iney fikirka ay u arkaan in dalka lagu hagaajin karo soo gudbiyaan.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii kulanka ka qeybgashay oo iyana madasha ka jeediyey khudbaddo ayaa ugu horeyn waxey uga mahad celiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka fursada uu u siiyey iney yimaadaan Golaha Shacabka oo ay fikirkooda kusoo bandhigaan waxaana dhalinyarada intoodii badneyd ay goobta kusoo bandhigeen fikraddo ay ugu muhiimsaneyd in marka hore Dowladdu qaado talaabbo lagu mideynayo ururrada Dhalinyarada ee Dalka ka jira.

 

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo kulanka soo xeray ayaa ka hadlay qaar ka mid ah fikradihii ay soo jeediyeen dhalinyaradii kulanka ka hadashay waxaana uu Gudoomiyuhu ku booriyey dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iney muujiyaan iskuduubni isagoo si gaar ahna uga digay dhalinta ineysan u hogaansamin kuwa mastaqbalkooda doonaya iney baabi’iyaan.

Gebagebadii kulanka ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ku dhawaaqay in dhowaan la sameyn doono golle loogu magacdarayo Golaha Baarlamaanka Dhalinyarada oo iyagu si toos ah wadashaqeyn ula yeelan doona Xildhibaannada Baarlamaanka taasi oo ay dhalinyaradii kulanka kasoo qeybgashay aad ugu riyaaqeen.

—DHAMAAD—

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles