Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20340

Shirkii Baarlamaanka Carabta oo lagu soo gabagabeeyey dalka Masar

$
0
0

Qaahira(RBC Radio) Shirka baarlamaanada Carabta ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar,shirka oo ay Soomaaliya uga qaybgaleen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka SOomaaliya isla markaane xubin ka ah baarlamaanka dalalka Carbeed ayaa waxaa looga hadlay arimo dhowr ah oo ay ugu horeeyaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka ka jira wadamo badan oo Carbeed oo ay Soomaaliya kamid yahay.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya xubine ka ah baarlamaanka wadamada Carbeed ayaa sheegay in shirka Baarlamaanka Carabta diirada lagu saaray sidii ay Carabtu ay xal ugu heli lahayd wadamo dhowr ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay kuwaas oo ay ka jiraan dhibaatooyin.

Dalxa ayaa sheegay in si gaara shirka diirada loogu saaray sidii wadamada Carbeed ay u garab  istaagi lahaayeen walaalahooda Soomaaliyeed,wuxuuna tilmaamay in la isku raacay in dalka Soomaaliya laga taageero dhinacyada amniga,Siyaasadda,Dhaqaalaha iyo adeegyada kale ee bulshada.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa intaa ku daray in xildhibaanada baarlamaanka Carbeed iney isku raaceen in la qabto shir dhaqaalo loogu aruurinayo wadamo ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Jabuuti si wax looga qabto dhibaatada ka jirta isla markaane loogu fulin lahaa Mashaariic horumarineed.

Maxamed Cumar Dalxa ayaa xusay in shirka si weyn loogu bogaadiyey dadaalada ay lagu soo celinayo xasiloonida dalka ee ay ku hawlan tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20340

Trending Articles