Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ayaa shaaca ka qaaday iney wadaan qorshe ay ku weerarayaan deegaanada gobolada dhexe ee ay xiligan gacanta ku hayaan xoogaga alshabaab,Madaxweyne Qaybdiid ayaa sheegay iney ka go’an tahay ka saaridda alshabaab guud ahaan gobolada dhexe.
“5 degmo oo ka tirsan gobolada dhexe dadka ku nool waxaa sharaftooda iyo karaamadooda ku tumanaya kooxda alshabaab,dagaal ayaa looga saarayaa degmooyinka ay ku sugan yihiin si ay u suurta gasho dhisida maamul ay ku mideysan yihiin bulshada ku dhaqan gobolada dhexe” ayuu yiri madaxweynaha Galmudug Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.
Cabdi Qaybdiid ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan demooyinka gobolada dhexe ee ay alshabaabku maamulaan ay ku hayaan dhibaatooyin fara badan oo ay ka mid yihiin dil dhac iyo barakicin,wuxuuna tilmaamay ineysan arintaasi ahayn mid ay u dulqaadan karaan,wuxuuna carrabka ku adkeeyey iney ka dulqaadi doonaan dhibaatada ay alshabaab badeen dadka ku dhaqan degmooyinka ay ka arimiyaan ee gobolada dhexe sida uu yiri.
Alshabaab ayaa dhankooda dhawaan kaga dhawaaqay Shir ay ku yeesheen deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud iney duullaan ku yihiin deegaanada ka maqan gacantooda ee gobolkaas oo ay sheegeen iney ku sugan yihiin dad ay ku tilmaameen Cadow sida ay hadalka u dhigeen,alshabaab ayaa gacanta ku haya degmooyinka ka tirsan gobolada dhexe oo ay ka mid yihiin Ceelbuur Xarardheere iyo Ceeldheer oo ka kala tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho