Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xukuumadda federaalka oo gudi u saartay sidii kor loogu qaadi lahaa daryeelka ciidanka qalabka sida

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa gudi u saartay sidii ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ay u heli lahaayeen xuquuqdooda,wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay saareen gudi ka kooban dhowr wasaaradood kuwaas oo loo xilsaaray iney soo jaan gooyaan sida ugu habboon ee kor loogu qaadi karo daryeelka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

C/llaahi Ciilmooge ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ahmiyad weyn siinayso sare u qaadidada daryeelka iyo nolosha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay iney ka go’an tahay in ciidamadu maadaama ay yihiin kuwa gacanta ku haya amniga dowladda ay helaan xuquuqda ay leeyihiin.

Wasiirka ayaa sheegay in goluhu uu magacaabay gudi ka kooban wasaaradaha arimaha gudaha iyo amniga qaranka,adeegga bulshada,Gaashaandhigga iyo Ganacsiga kuwaas oo kasoo tala bixin doona sida ugu wanaagsan ee ay ciidamadu ku heli lahaayeen Mushaharaadkooda iyo xuquuqaha kale ee ay leeyihiin,kadibne ay shirka Khamiista ee golaha ay dib ugu soo celiyaan.

Siyaasiyiin badan ayaa qaba in sababaha ay dowladdu ugu guuleysan la’dahay hanashada amniga dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay xiliyada qaar ka dhacaan falal liddi ku ah amniga ay qayb ka qaadato dayacaadda dowladda ee ku aaddan daryeelka ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya,kuwaas oo markii ay waayeen xuquuqdooda dhac iyo dhibaateyn bulshada kula dhaqaaqay.

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles