Muqdisho(RBC Radio) Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr Ban ki Moon ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay rag ka tirsan Al-Shabab ay ku qaadeen xarunta hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan dhanka hormarinta ee UNDP.
Afhayeenka Ban ki Moon Martin Nesirky oo saxaafadda kula hadlay magaalada New York ayaa sheegay in xog-hayaha guud uu aad uga naxay markii uu maqlay in la weeraray xarunta UNDP ee Muqdisho.
“dhammaan niyadeenna iyo ducadeenu waxay la jiraan shaqaalaha aan saaxiibbbada nahay ee UNDP-da ee la weeraray,alshabaab kuma guuleysan doonaan carqaladaynta nabadda iyo soo kabashada Soomaaliya,Qalalaasuhu ma guuleysan doono” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Ban Ki Moon.
Ban Ki Moon ayaa ammaanay dadaalka ay sameeyeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa AMISOM ee ay mudada kooban gudaheed goobta kula wareegeen isla markaane ay ku toogteen kooxdii xarunta qabsaday.
Dowladda Mareykanka ayaa si kulul iyane dhankeeda u cambaareysay weerarkaas.war qoraal ah oo kasoo baxay aqalka cad ee looga arimiyo dalka Maraykanka ayaa waxaa si weyn loogu dhaleeceyey weerarka alshabaab ay ku qaadeen xarunta hay’adda UNDP ay Muqdisho ku leedahay.
“Weerarkii maanta lagu qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho wuxuu muujinayaa in kooxda argagixisada ah ee alshabaab ay sii waddo iney is hortaagto dadaalo ay Soomaaliya kusoo kabanayso” ayey ku tiri war qoraal ah afhayeenka golaha amniga qaranka Maraykanka Caitlin Hayden.
War kooban oo kasoo baxay madaxa Siyaasadda Midowga Yurub haweeneyda la yiraahdo Katrina Ashton ayaa lagu cambaareeyey weerarkaas,Ashton ayaa sheegtay in weerarkaasi uu ahaa mid la doonayey in Soomaaliya dib loogu celiyo dhibaatooyinka ay kasoo kabanayso isla markaane lagu manja xaabiyo dadaalada ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.
Micheal Mann afhayeenka Katrina Shaton ayaa ka sheegay magaalada Brussles ee xarunta midowga Yurub” midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siinayo dowladda,bulshada Soomaaliyeed iyo ciidanka midowga Afrika ee gacanta siinaya dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale wakiilka ururka Midawga Africa u qaabilsan Max’ed Saalix Annadifi ayaa war saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in xafiiskiisu uu ka xunyahay weerarkaas isla markaana uu xanuunka la wadaagayo Qaramada Midoobay,wuxuuna xusay in AMISOM ay jawaab deg deg ah ka bixisay weerarkaas isla markaane ay kaalin libaax leh ka qaadatay baajinta dad badan oo ay alshabaab damacsanaayeen iney goobta ku gumaadaan.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho