Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Cusub ee maamulka Ximan iyo Xeeb oo maanta dhici lahayd dib loo dhigay

$
0
0

 

Cadaado(RBC Radio) Munaasabadii caleema saarka  madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb  oo maanta loo ballan sanaa maxamed Cumar hagafeey in dib loo dhigau iney suurta gal tahay in maamlmaha sabtida iyo axadda midkood dhici doonto in wufuudii la qaybgali lahayd caleema saarka iney ku sugan yihiin Muqdisho oo ay u joogeen shir u dhexeeya bulshada kasoo jeeeda goboladaas

Munaasabadda Caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Ximan iyo xeeb oo loo ballansanaa iney maanta ka dhacdo magaalada Cadaado ee xarunta maamulkaas ayaa la shaaciyey in dib loo dhigay,afhayeenka maamyulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey ayaa ka dhawaajiyey in caleema saarka madaxweynaha maamulkaas oo maanta lagu waday iney ka dhacdo Cadaado ay dib u dhacday.

Afhayeenka ayaa sheegay in sababta dib u dhaca keentay ay tahay kadib markii sida uu tilmaamay madaxdii maamulka iyo dhammaan masuuliyiinta maamulada gobolada dhexe ee xafladda caleema saarka ka qayb gali lahaa ay ku daaheen shir 2dii maalood ee u danbeeyey Muqdisho uga socday.

Wuxuuna sheegay in shirka oo shalay soo gabagaboobay ay suurta gal ka dhigi weysay in madaxdu ay ku noqdaan deegaanada si ay uga qaybgalaan munaasabadda caleema saarka madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb,wuxuuna tibaaxay in Xafladda Caleema saarku ay dhici doonto Sabtiga ama Axadda Midkood.

Baarlamaanka maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa 13kii bishan Juun cod aqlabiyad leh ku doortay  C/llaahi  Maxamed Cali Kediye oo noqday madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb 3da sano ee soo socota,wuxuuna xilkaa kala wareegayaa madaxweynihii isaga ka horeeyey Tiiceey oo xilkaas soo hayey muddo 5 sano ah.

Doorashada maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa u dhacday si dagan,mana jirin wax buuq iyo carqalad ah oo ka dhashay natiijada kasoo baxday doorashadaas,waxaana ay dad badan tilmaamayaan in arintan ay muujinayso sida ay Soomaalida ugu bislaatay maamul wadaagga.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles