Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Daawo Sawirro:Meydad hor leh oo maanta laga soo saaray xarunta UNDP oo shalay ay weerar qorsheysan ku qaadeen rag ka tirsan alshabaab

$
0
0

Muqdisho(RBC Radio) Meydad hor leh ayaa maanta laga soo saaray xarunta hay’adda UNDP oo shalay uu ka dhacay qaraxyo iyo dagaal qorsheysan oo ay soo abaabuleen alshabaabka dagaalka ka wada Soomaaliya,saraakiisha dowladda hoose oo saaka goobta gaaray si ay u qaadaan burburka iyo waxyeelada uu qaraxaasi geystay oo saamayn ku yeelatay wadada Isku xirtay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo KM4 ayaa goobta kasoo saaray Meydad hor leh oo ku dhintay weerarkaasi.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo goobta kula hadlay wariyaasha ayaa sheegay in xarunta ay maanta kasoo saareen 7 Meyd oo hor leh kuwaas oo uu sheegay iney ka tirsanaayeen kooxdii weerarka soo qaaday ee alshabaab.

Maxamed Yuusuf afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa tibaaxay in dadka ay maanta Meydadkooda ay goobta kasoo saareen uu ka mid ahaa darawalkii waday Gaariga Koowaad ee isku qarxiyey albaabka hore ee laga soo galo xarunta hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho,wuxuuna intaa ku daray in meydadka ay goobta kasoo saareen ee alshabaabka ah sida uu sheegay ay ku arkeen arin la yaab leh taasoo ah in dhammaantood ay jeebka ku wateen  Galley  aan bisleen.

C/kaafi Hilowle Cismaan oo isne ag xog-hayaha maamulka gobolka Banaadir ayaa isne baaq u diray dhalinta Soomaaliyeed ee ka barbar dagaalamaya alshabaab,wuxuuna ku booriyey iney ka haraan fikirka khaldan ee alshabaab isla markaane ay dhibaatada ka daayaan bulshadooda sida uu tilmaamay.

“Wallaahi Janno inaan sidan lagu galeen hadii Jannada sidan lagu galayo  Mey isqarxiyaan Axmed Godane iyo Cali Dheere,waxaan u sheegayaa dhalinyarada Soomaaliyeed ee la marin habaabiyey iney ka waantoobaan dhibaateynta ummadooda” ayuu yiri Xog-hayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles