Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ganacsato Soomaaliyeed oo dhaawacyo iyo boob loogu geystay dalka Koonfur Afrika

$
0
0

Capetown(RBC Radio) Kooxo burcad Koonfur afrikaan ah ayaa xalay dhaawac iyo boob u geystay ganacsato Soomaaliyeed,wararka aan ka heleyno magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika  ayaa ku waramaya in kooxo abaabulan oo Koonfur Afrikaan ah ay dhaawac u geysteen 5 ruux  oo ganacsato Soomaaliyeed ah,kooxda burcadka ah ayaa lasoo sheegayaa iney boobeen hantidii taalla dukaamo fara badan oo ku yaallay xaafad ka mid ah magaaladaasi CapeTown.

Sayid Cumar Maxamed oo ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur afrika ayaa sheegay in ganacsato Soomaaliyeed ay ku xoola beeleen weerar abaabulan oo ay kooxo burcad madow koonfur Afrikaan ah  ku qaadeen dukaamo ay ganacsato Soomaaliyeed ku lahaayeen magaalada CapTown.

Wuxuuna intaa ku daray iney in kooxahaasi ay dhaawaceen 5 Mawaadin oo Soomaali ah isla markaane ay dhibaaato ba’an gaarsiiyeen dadkii Soomaaliyeed ee ku sugnaa goobahooda ganacsi,Sayid Cumar ayaa sheegay in kooxaha burcad oo aad u badnaa ay xitaa qaateen Iskafaalayyaashii Dukaamada Soomaalida.

Sayid Cumar ayaa tilmaamay in dhibaatada lagu hayo Soomaalida ay tahay mid aysan waxba ka qaban karin Safaaarada Soomaalida ee dalkaas,wuxuuna ku eedeeyey safaaradda iney dhibaato kusoo kordhisay ayna waxyaabo badan culays ku saartay sida uu sheegay,wuxuuna ka dalbaday dowladda Soomaaliya iney dalkaas u dirto wafti heer sare oo oo ka socda wasaaradda arimaha dibadda si ay dowladda Koonfur Afrika uga xaajoodaan dhibaatada Soomaalida loogu geysanayo dalkaas.

 

 

 

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles