Muqdisho(RBC Radio) Shir 2 Maalmood uga socday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya masuuliyiinta,siyaasiyiinta,waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kasoo jeeda gobolada dhexe ee dalka ayaa lasoo gabagabeeyey,kulanka oo ay ka qaybgaleen dhammaan maamulada kala duwan ee ka jira gobolada dhexe ee dalka ayaa waxaa looga wada hadlay sidii loo mideyn lahaa maamulada gobolada dhexe.
Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Cumar Hagafeey oo ka mid ahaa masuuliyiintii shirkaa ka qaybgala ayaa warbaahinta uga waramaya waxyaabaha looga wada hadlay kulankan 2da maalmood qaatay ee ay Muqdisho ku yeesheen masuuliyiinta maamulada gobolada dhexe,wuxuuna tilmaamay in shirkaas qodobada looga arinsaday ay ka mid ahaayeen sidii dib u heshiishiin looga samayn lahaa gobolada dhexe iyo sidii loo sugi lahaa aniga goboladaas.
Hagafeey ayaa sheegay in marka la heshiisiiyo beelaha walaalaha ah ee ku wada dhaqan gobolada dhexe loo gudbi doono ajandaha 2aad oo ah in bulshada goboladaas ay samaystaan maamul ay ku mideysan yihiin kaasoo metela dhammaan bulshada ku nool gobolada dhexe ee dalka.
Shirka ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya waxaana ka mid ahaa wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo labaduba ku booriyey masuuliyiinta gobolada dhexe iney guntiga dhiisa iskaga dhigaan sidii ay u samayn lahaayeen maamul ay ku mideysan yihiin isla markaane ay heshiis ku yihiin bulshada gobolada dhexe,waxayna dhankooda ballan qaadeen in dowladdu ay gacan buuxda ka geysan doonto sidii loo yagleeli lahaa maamulkaas
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho