Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Magaaladda Boosaaso oo Lagu Qabtay Kulan Dhalinyarada Looga Wacyigelinayo Khatarta Tahriibta

$
0
0

 

Dhalinyarada Boosaaso

Boosaaso[RBC Radio] Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland ayaa magaaladda Boosaaso ku qabatay kulan ballaaaran oo dhalinyarada Puntland looga wacyigelinayo khatarta Tahriibta.

Kulanka oo lagu qabtay xarunta Dawladda hoose ee magaaladda Boosaaso ayaa waxaa kazoo qeybgalay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Siciid Daahir Qodox,Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Gallan,Duqa degmada Xasan Cabdalla Xasan,Nabadoono iyo Dhalinyaro.

Ujeedada kulanka ayaa lagu sheegay in dhalinyarada Puntland looga Wacyigeliyo khatarta ay leedahay Safar loo galo wadamada Liibiya iyo Talyaaniga,taasoo xiligaan dhalinyaro badan ku dhintaan qaarna ay ku dhibaateysanyihiin.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan

Guddoomiyaha Kubadda Cagta ee gobolka Bari Mustafe Cabdirixmaan Majacase oo ugu horeyn kulanka ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyey,wuxuuna sheegay in dhalinyarada looga baahanyahay iney ka qeybqaataan horumarka dalka isla markaana ay Wacyigelin u sameeyaan kuwa Tahriibta ku hawlan.

Mustafe Cabdirixmaan Majacase ayaa sheegay in wakhtigan ay wadaan koob kubadda cagta ah oo loo qabtay dhalinyarada magaaladda Boosaaso isla markaana ay Cayaaruhu yihiin meesha qura ee lagu Wacyigelin karo dhalinta.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa tilmaamay in dhibaatada khatarta Tahriibtu ay tahay mid si weyn u taagan,wuxuuna dhalinyarada ku booriyey iney ka tigtoonaadaan isla markaana khatartaas.

Guddoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa isna sheegay dhalinyarada Tahriibta galay qaar kamid ah loo haysto Madaxfurasho isla markaana aysanba jirin nolosha ay ka raadinayaan Qurbaha.Cabdiqaadir Ibraahim Xarago ayaa uga digay dhalinyarada reer Puntland khatarta Tahriibta ayna ka shaqeeyaan horumarka dalkooda.

Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa kazoo Jeediyey kulanka ayaa sheegay in wadan kasta horumarkeeda ay qeyb ka yihiin dhalinyadardu isla markaana kuwa Puntland looga baahanyahay iney ka qeybqaataan horumarka..

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Siciid Daahir Qodox

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland Siciid Daahir Qodox oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in Ujeedada iyo hadafka ay ka leedahay dhalinta Puntland ay tahay iney ka qeybqtaan horumarka iyo dib u dhiska wadankooda.

Kulankaan aya waxaa ka qeybqaaatay dhalinyaro kala mateysay 16-Xaafadood ee magaaladda Boosaaso,waxaana Wajiyadooda ka muuqatay rajo wanaagsan oo ay ka leeyihiin wadankooda,wuxuuna kulankan qeyb ka yahay Wacyigelin ay muddooyinkan wadey Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland.

______________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles