Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dawladda Puntland oo Canbaareysay Weerarkii Iyo Qaraxyadii Lagu Qaaday Hay’adda UNDP Xafiiskeeda Muqdisho [Dhageyso]

$
0
0

Wasiirka Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir

Garoowe[RBC Radio] Dawladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa maanta si kulul uga hadashay Weerarkii iyo qaraxyadii lagu qaaday xaruntii Hay’adda UNDP ku lahayd magaaladda Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Dawladda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo Saxaafadda kula hadlay magaaladda Garoowe ayaa sheegay iney si weyn uga Xunyihiin Weerarka iyo Qaraxyada lagu qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho.

Mudane Maxamuud Caydiid Dirir ayaa ku tilmaamay falka weerarka iyo qaraxyada kuwa argagaxiso ah isla markaana ay Dawladda Puntland uga tacsiyeyneyso Ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamkaba dhibaatada meesha ka dhacday.

…””Sidaad lawada socotaan maanta magaaladda Xamar,waxaa ka dhacay fal argagax leh, Dawladda Puntland waxay uga tacsiyadeyneysaa Ummadda Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka shacab iyo shaqaalaba intii wax ku noqotay dhibaatada meesha argagaxisadu ka geysteen xaruntii UNDP-da ee magaaladda Xamar….””ayuu yiri.

Wuxuu sheegay Mudane Maxamuud Caydiid Dirir in Puntland ugu horeyso cida ka damqaneysa dhibaato kasta oo lagu waxyeelnayo Ummada Soomaaliyeed,wuxuuna intaas ku daray in falkaasi uu ahaa mid soo taxnaa muddana la abaabulayey.

…””” Falal soo taxnaa bey ahaayeen oo Ummada Soomaaliyeed dadkaasi ku hagardaameynayaan, Dawladda Puntland mar walba cid kasta oo dhibaateysa cida ugu horeysa oo ka danqata dhibaatada Ummada Soomaaliyeed loo geysanayo weeyaan,waana ka tacsiyadeyneynaa dadkii Soomaaliyeed ee halkaas wax ku noqday ee Shacabka ahaa,Shaqaalihii Qamarada Midoobey….””ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka Warfaafinta,Boostada iyo Isgaarsiinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa Ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ugu baaqay iney ka hortagaan kuwa dabargoynaya kuwa Ummada Soomaaliyeed wax u qabaneysa isla markaana ula taagan hagardaamada.

Halkan ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka Warfaafinta iyo Xildhibaanka Guji Halkan

,,,”” In beesha Caalamku si wadajir ah iyo Ummada Soomaaliyeedna uga hortagaan dadkaas Ummadda dabar goynaya ee inta wax la qabaneysa hagardaamada ula taagan ee argagaxa iyo qurgooyada kuwada in laga horgato weeye mabda’a Dawladda iyo dadka reer Puntland ka tacsiyadeyneynaa…””ayuu yiri.

Xildhibaan Maxamuud Cabdicasiis Cumar

Xildhibaan Maxamuud Cabdicasiis Cumar oo afka Baarlamaanka Puntland ku hadlaayey ayaa sheegay iney Canbaareynayaan falkii weerarka iyo qaraxyada isugu jiray ee lagu qaaday xarunta Hay’adda UNDP ee magaaladda Muqdisho.

….””” Anigoo ku hadlaya afka Gollaha Wakiilada Dawladda Puntland,waxaan canbaareyneynaa falkii foolxumada lahaa ee argagaxisadu ay u geysatay shaqaalihii Qaramada Midoobey,waa nasiib darro in maanta Caalamkii oo Soomaaliya usoo jeestay,magaaladii Muqdisho oo nabadeedii aan la isku haleyn Karin bey taasi muujineysaa…””ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud.

Dawladda Soomaaliya

Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyey Xildhibaan Maxamuud Cabdicasiis Cumar iney ka gaabisay sugida iyo ilaalinta amniga magaaladda Muqdisho taasina ay tahay sababta ugu weyn ee maanta weerarka iyo qaraxyada loogu qaaday xarunta UNDP ee Muqdisho.

…””Taasi waxay ku timid baan anigu dhihi karaa Dawladda oo ka gaabisay kaalintii amni ee sugitaankeedii oo u jeensatay iney iyadii waxyaalo kale ku mashquusho sida Dastuurkii oo ay iyadu ku shaqeyneysay oo Soomaali lahayd oo ay jebisay iyo waxyaalo lamid ah meeshii iyadu sameyn lahayd Dastuurkii lagu dhisay dawladii iyo ilaalintiisii ay ka qeybqaadan lahayd ay u jeensataya ayey amni xumadaasi ku timid…””ayuu yiri Xildhibaanku.

Si kastaba Weerarka iyo Qaraxyada lagu qaaday xarunta Hay’adda UNDP ee Muqdisho ayaa waxaa si weyn u Canbaareeyey Madaxda Soomaaliya,Beesha Caalamka iyo kuwa kale,waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba lah.

_____________

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles