Muqdisho(RBC Radio) Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la wareegay gacan ku haynta xarunta hay’adda UNDP ee magaalada Muqdisho oo ay saacad ka hor qabsadeen rag ka tirsan alshabaab,ciidamada sida gaarka ah u tababar ee Gaashaan ee dowladda Soomaaliya ayaa gudaha u galay xarunta hay’adda UNDP oo uu ka socday dagaal muddo qaatay oo u dhexeeyey rag ka tirsan alshabaab oo gudaha u galay xarunta iyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Wararka horudhaca ah ee kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyada iyo dagaalka tooska ah ee ka dhacay xarunta hay’adda UNDP ayaa sheegaya in 6 ruux ay ku dhinteen halka ku dhawaad 20 kalane ay ku dhaawacmeen sida ay ku waramayaan saraakiisha gaadiidka gargaarka deg degga ah oo wali u gurmanaya dadkii ku waxyeeloobay weerarkan qorsheysan.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xiliga uu weerarku dhacayey ay xarunta ku sugnaayeen saraakiil badan oo ka tirsan hay’adda kuwaas oo Soomaali iyo Ajaanib intaba leh,waxaana la tilmaamay in markii ay dheceen qaraxyadu ay masuuliyiintii xarunta ku jiray ay ka bexeen Albaab danbe oo ay xaruntu leedahay.
Raggii goobta galay ayaa lasoo sheegayaa iney dhammaantood geeriyoodeen,waxaana gudaha xarunta laga maqlay ilaa 8 qarax oo u ekaa iney yihiin raggii goobta galay oo isqarxiyey,saraakiil fara badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin taliyaha booliska Soomaaliya,afhayeenka booliska iyo taliyaha nabad sugidda gobolka Banaadir ayaa goobta gaaray.
Masuuliyiinta goobta ku sugan ayaan ilaa hadda wax war ah siin warbaahinta goobta ku sugan,waxayna sheegeen iney daqiiqadaha soo socda saxaafadda la hadli doonaan kana warbixin doonaan,khasaaraha ka dhashay weerarkaas,tirada raggii weerarka qaaday iyo sida uu u dhacay weerarkaasi.
Faah Faahinta Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkan maanta lagu qaaday xarunta Hay’adda UNDP ay ku leedahay magaalada Muqdisho, Sawirrada qaraxa iyo hadallada masuuliyiinta ee ku aaddan arintan kala soco warbaahinta Raxanreeb.com
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho