Muqdisho(RBC Radio) Koox ku hubeysan gaadiid laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa iyo Suumanka walxaha qarxa ay ku xiran yihiin oo loo malaynayo iney ka tirsan yihiin alshabaab ayaa goordhaweyd gudaha u galay xarunta hay’adda horumarinta Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNDP ay ku leedahay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Gaari laga Soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay albaabka hore ee laga galo xarunta hay’adda UNDP waxaana intaa kadib bilaabatay in rag kale oo ka tirsan kuwa weerarka soo qaaday oo ku hubeysnaa qoryaha darandoorigu u dhaca iyo Suumanka walxaha qarxa ay gudaha u galaan xarunta,waxaana gudaha xarunta xiligan ka soconaya dagaal u dhexeeya kooxdii weerarka soo qaaday iyo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Khasaaraha dhabta si rasmi ah ah looma oga,balse wararka aan goobta ka heleyno ayaan inoo xaqiijinaya iney jiraan dad fara badan oo ku waxyeeloobay dhibaatadan,2 kamid ah kooxdii xarunta gashay ayaa isku dhex qarxiyey gudaha xarunta.
Kooxihii weerarka soo qaaday ayaa xiligan gacanta ku haya gabi ahaanba xarunta,Shaqaalihii iyo ciidamadii waardiyaha ka ahaa ayaa la tilmaamayaa iney badankoodu ku waxyeeloobeen qaraxyada, waxaana goobta ay mashaqadu ka dhacday xiligan gaaray ciidamada AMISOM kuwaas oo ku biiray dagaalka ka socda xarunta UNDP ee Muqdisho.
XAruntan oo ka mid ahayd goobaha sida weyn loo ilaaliyo amnigeeda ayaa waxaa ay ku taallaa goob ay ku yaallaan xarumo muhin ah oo ay ka mid yihiin Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho,Xarunta hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo Hoteelka Jasiira oo kal hore lagu qaasay weerar sidan oo kalaa xili uu ku sugnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xaaladda goobta uu dagaalku ka socdo ayaa cakiran waxaana yar gurmadka loo samayn karo dhaawacyada ku go’doonsan gudaha xarunta iyo nawaaxigeeda,ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa goobta gaaraya,waxayna ku hawlan yihiin sidii ay kooxdaasi uga saari lahaayeen xarunta ay qabsadeen.
RBC Radio