Muqdisho(RBC Radio) Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkii qorsheysnaa ee maanta lagu qaaday xarunta ay hay’adda UNDP ku leedahaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,war kooban oo lasoo dhigay barta ay Twitterka ku leeyihiin alshabaab ayaa lagu sheegay in alshabaab ay ka danbeeyeen weerarkaas.
Alshabaab ayaa ku sheegay warka kasoo baxay in weerarkaas ay fuliyeen rag ay ku tilmaameen Kumaandowsta alshabaab ee Istishhaadiyiinta,waxayna tilmaameen iney ku guuleysteen qabshada xarunta.
Warka kasoo baxay alshabaab ayaa lagu sheegtay in weerarka lagu qaaday xarunta UNDP ay alshabaabku ku dileen Saraakiil Caddaan ah sida ay sheegteen,walow aysan jirin warar sax ah oo xaqiijinaya sheegashada alshabaab ee ku aaddan iney qaraxyada iyo dagaalkaas ay ku dileen Saraakiil Ajaanib ah.
Hadalka kasoo baxay alshabaab ayaa imaanaya kadib markii maanta duhurnimadii uu gaari nuuca raaxada ah isku qarxiyey Ilinka laga galo xarunta hay’adda UNDP ay ku leedahay Muqdisho,kadib markii qaraxu uu dhacay ayaa waxaa albaabka xarunta xoog ku galay rag si aad ah u hubeysnaa kuwaas oo rasaas iyo qaraxyo bilaabay markii ay gudaha u galeen xarunta hay’adda.
Alshabaab ayaa hore dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho uga geystay weeraro kan lamid ah waxaana ugu danbeeyey weerarkii ay ku qaadeen xarumaha maxkamadaha dalka ee Muqdisho kaasoo sidan si lamid ah ay gudaha u galeen muddane ay kula dagaalamayeen ciidanka dowladda Soomaaliya.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho