Hargeysa (RBC) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa sheegay inaanu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya Somaliland iyo Xarakada Al-Shabaab, isla markaana ay Xukuumaddiisu ka mid tahay kuwa la dagaallama argagixisada iyo nabadgelyo-darrada.
Madaxweyne Siilaanyo oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayo oo booqasho shaqo ku joogay dalka Turkiga ay maanta ku soo laabteen magaalada Hargeysa, ayaa mar la weydiiyey war uu qoray Wargeyska ka soo baxa waddanka Turkiga oo sheegaya inay Somaliland xidhiidh la leedahay Kooxda Al-Shabaab iyo waxa ka jira, waxaa uu Siilaanyo ku jawaabay oo yiri; “Waxay ila-tahay arrintaasi inay tahay hadal aanay waxba ka jirin. Madaxda Turkigu ma qabaan inaannu Al-Shabaab xidhiidh leenahay, nalamanay soo qaadin inaannu Al-Shabaab xidhiidh leenahay. Xidhiidh Somaliland iyo Al-shabaab leeyihiinna ma jiro.”
“Somaliland iyadaa u dagaallanta madax-banaannideeda. Iyadaa la dagaalanta argagixisadda iyo Budhcad-badeedda oo qaar badan oo ka mid ahi u xidhan yihiin. Arrintana wax hadal-haya iyo meel lagu qoray midna maannu arag.” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.
RBC Radio
Xafiiska wararka Hargeysa