Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Ku-Simaha Duqa Hargeysa: Qaar Masaajiddada innagula Tukadaa Cadaw u Ah Amniga ee Waa Inaynu Nabadgelyada Basaasiin U Wada Noqonnaa

$
0
0

Hargeysa(RBC):- Maayer Ku-xigeenka Hargeysa ahna Ku-simaha Duqa magaaladaas Cabdicasiis Maxamed Xaashi, ayaa kulan xog-waraysi ah xarunta dawladda hoose kula yeeshay Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska Xaafadaha, Guddoomiyeyaasha iyo Guddiyada nabadgelyada Degmooyinka magaalada qaarkood, xog-warrankaas oo ku saabsanaa halka ay Xaafadaha iyo Degmooyinka nabadgelyadoodu tahay iyo qaabka uu Booliska uga wada-shaqeeyaan amniga.

Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska ee Xaafadaha Degmooyinka Gacan-libaax, 26 June, Maxamed Mooge, 31-ka May iyo kuwo kale, ayaa Ku-simaha Duqa Caasimadda ahna Maayer Ku-xigeenka Hargeysa uga warramay qaabka ay nabadgelyada uga wada-shaqeeyaan Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Guddiyada nabadgelyada degmooyinkaas, kuwaasoo ay sheegeen inay iskaashi fiican iyo wada-shaqayn dhinaca amniga ahi ka dhaxayso.

Guddoomiyeyaasha Guddiyada Nabadgelyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinkaas, ayaa iyaguna sidoo kale Maayer ku-xigeenka war-bixin taa la mid ah siiyey, isla markaana sheegay inay wada-shaqayn fiican leeyihiin Taliyeyaasha Rugaha Booliska Xaafadaha Degmooyinkooda. Hase-yeeshee, waxa ay Taliyeyaasha Booliska, Guddiyada Nabadgelyada iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinkaasi si wada-jir ah cabasho uga muujiyeen dhalinyaro ay sheegeen inay dhibaato dhinaca nabadgelyada ah ku hayaan Xaafadaha ay degmooyinkaasi ka kooban yihiin, kuwaasoo ay sheegeen inay baadhasho iyo rabshado nabadgelyada ka dhan ah ku hayaan dadka degmooyinka ku dhaqan, kuwaasoo ay xuseen inay qaar badan oo ka tirsan xidh-xidheen, isla markaana Maxkamadda degmada Hargeysa qaarkood lix-lix bilood oo xadhig ah ku xukuntay.

Hase-yeeshee, haddii aan hadda wax laga qaban ay gaadhi karaan meel ay amniga oo dhan khalkhal gelin karaan. Sidaa daraaddeed-na, waxay u soo jeediyeen Ku-xigeenka Duqa Caasimadda Hargeysa iyo Taliyaha qaybta Bariga Hargeysa oo isaguna shirkaa goob-joog ka ahaa inay xalka dhalinyartaa wax lagaga qabanayo qorshe la iska kaashado laga yeesho. Waxaanay xubnahaa Masuuliyiinta qaybaha kala duwan ee Degmooyinkaa ka socday u mahad-celiyeen Ku-simaha Duqa Caasimadda oo ay sheegeen inuu si joogto ah ula shaqeeyo.

Geobo-gabadii kulankaas, waxa hadalka la wareegay Maayer Ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi (C/Casiis-Caga-weyne), oo sheegay in loo baahan yahay in nabadgelyada laga wada-shaqeeyo. “Waxa aynu halkan ku wada fadhinaa waa nabadgelyo, haddii aanay nabadgelyo dalkeenna ka jirin halkan  maynaan wada fadhineen. Sidaa daraaddeed, waxa loo baahan yahay in nabadgelyada iyo adkeynteeda yar iyo wayn, dawlad iyo shacab laga wada-shaqeeyo. Waanan idiinka mahad-celinayaa sida wada-jirka ah ee aad Ciidanka Booliska, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Guddiyo nabadgelyo ahaan uga wada-shaqaynaysaan amniga.” Sidaa ayuu yidhi Ku-simaha Duqa Caasimadda Hargeysa.

Cabdicasiis Maxamed Xaashi, waxa uu sheegay inay muhuum tahay in nabadgelyada Basaas loo wada-noqdo, waxaanu yiri; “Berigii Siyaad Barre ayaa la odhan jiray soo sheega cidda guriga ku soo korodhay, Tabbeelayaal wax la yidhaabaa jiray, markaa waa in nabadgelyada Basaasiin aynu ka wada-noqonnaa, waayo? Nabadgelyadu cadaw badan bay leedahay oo qaar Masaajiddada innagula tukanaya ayaa doonaya inay waxyeelleeyaan nabadgelyada. Sidaa daraaddeed, waxaan idin leeyahay cidna ha uga habrannina sugidda nabadgelyadeenna, annaguna waa idin garab-taagannay dawlad hoose ahaan, dawladda dhexena heegan bay u tahay adkaynta nabadgelyada oo waad aragteen sida Booliskeennu hadh iyo habeen heeganka ugu jiro. Markaa, qof waliba waa inuu nabadgelyada Basaas ka noqdaa.”

RBC Radio

Xafiiska wararka ee Hargeysa.

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles