Muqdisho (RBC) Sida Shabakada Raxanreeb ay ka ogaatay mid ka mid ah masuuliyiinta xafiiska arrimaha dibadda ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee dawlada Soomaaliya, waxay dawlada Ingiriiska markii ugu horreysay dawlada Soomaaliya la wadaagtay ajendaha shirka ka dhici doona magaalada London bisha May ee sanadkan 2013 kaasoo looga hadli doono taageerada dawlada Soomaaliya.
Wafdi ka socday dawlada Ingiriiska oo uu hogaaminayey agaasimaha wasaarada arrimaha dibadda Ingiriiska u qaabilan qaaradda Afrika oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in dawlada federaalka Soomaaliya lagu wareejiyey ajendaha shirka London ka dhici doona kaasoo ay wada guddoomin doonaan raysul wasaaraha Ingiriiska David Cameron iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in qorshaha shirka London uu ku wajahan yahay sidii dib u dhiska Soomaaliya diirada loo saari lahaa isla markaana loo gaab istaagi lahaa nabadda iyo xasiloonida hadda ku soo laabaneysa Soomaaliya.
Raxanreeb ayaa ogaatay in ajendaha shirka London ay qeyb ka tahay in dawladaha labada wadanka ee Soomaaliya iyo Ingiriiska ay si wadajir ah u diraan martiqaadka dhammaan ergada ururada iyo dawladaha caalamka ee ka soo qeybgalaya shirka kuwaasoo ay ka mid yihiin Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Jaamacadda Carabta.
Diyaarinta martiqaadka shirka London ayaa waxay durba saameyn ku yeelatay maamulka Somaliland oo ay tahay in martiqaadka ay u dirto dawlada Soomaaliya ay ku yimaadaan shirka, taasoo maamulka Somaliland ay ka biyo diideen.
Shirka London ee arrimaha Soomaaliya ayaa ah hindise uu soo jeediyey raysul wasaaraha Ingiriiska oo sanadkii hore sheegay in dawlada Ingiriiska ay qabaneyso shirweyne looga hadlayo sidii loo garab istaagi lahaa dawlada cusub ee Soomaaliya ka dhalatay.
Waa shirkii ugu horreeyay oo heer caalami ah oo dibada lagu qabto tan iyo markii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loo doortay madaxtinimada wadanka doorashadii bishii Sebtember 2012 ka dhacday Muqdisho. Qabashada shirkan ayaa imaaneysa iyadoo markii ugu horreysay dawlada Mareykanka ay shaacisay inay si buuxda u aqoonsatay dawlada Soomaaliya, waxaana taasi xigay in bishan horaanteeda golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay qaadeen si ku-meelgaar ah xayiraadii hubka ee tan iyo 1992-kii saarneyd Soomaaliya.
RBC Radio