Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Aqoon Isweydaarsi Ku Saabsan Shuruucda Maaliyadeed iyo Waajibaadka Shaqo ee Ilaaladda Canshuuraha oo Boosaaso Lagu Qabtay [Sawirro]

$
0
0

Ciidanka Canshuuraha ee Dekedda Boosaaso oo Aqoon Isweydaarsi loo qabtay

Boosaaso[RBC Radio] Wasaaradda Maaliyadda ee dawladda Puntland ayaa aqoon Isweydaarsi ku saabsanaa shuruucda Maaliyadeed iyo waajibaadka shaqo u furay ciidamada ilaaliadda canshuuraha ee dekedda magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Aqoon Isweydaarsiga oo socon doona muddo toban cisho ayaa waxaa fikradiisa lahaa Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso Maxamed Cali Xaashi,kaas oo Wasaaradda Maaliyadda tallo ahaan ugu soo jeediyey iney kor u qaado aqoonta Ciidanka ilaalada Canshuuraha ee Dekedda Boosaaso.

Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cismaan Buux. Cali oo hadalo kooban kazoo jeediyey aqoon Isweydaarsiga ayaa sheegay in Tababarkan lagu baran doono shuruucda Maaliyadeed ee ciidanka canshuuraha iyo waajibaadkooda shaqo,

Mudane Cismaan Buux Cali ayaa xusay in mudada uu socdo aqoon Isweydaarsigu ay bixin doonaan Buug xiligii dawladii dhexe ee Soomaaliya lasoo saaray kaas oo ka Puntland ahaan ku shaqeyso.

Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cismaan Buux. Cali

….””” Tababarkan waxa lagu baran doonaa shuruucda Maaliyadeed ee ciidanka canshuuraha iyo waajibaadkooda shaqo,waxaana la bixin doonaa buug xiligii Soomaaliya lasoo saaray kaas ah inagu kuwa aan dawlad ahaan ku shaqeyno maadaama aynu kamid nahay dawladda Federaalka isla markaana aynu nahay Maamul-goboleed u hoggaansamay iney qaran Soomaaliyeed raadiyaan…..”””ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in dadka qaarkiis aysan ogoleyn iney bixiyaan canshuur isla markaana ay dawladdu wax ku canshuurto sharci Maaliyadeed ay ansixiyeen Baarlamaanka Dawladda Puntland loona baahanyahay in wax laga qabto arrintaas.

……..”””  Sidaad la socotaan dawladu waxay waxa ku canshuurtaan sharci Maaliyadeed ay ansixiyeen Baarlamaanku, sharciyadaasi waxa laga yaabaa in lagu xadgudbo sababtoo ah qofku wey ku adagtahay qofku inuu bixiyo canshuurta….”””ayuu yiri Cismaan Buux Cali

Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf

Agaasimaha Waaxda Furdooyinka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf ayaa isna u sheegay ciidanka ilaaladda canshuuraha ee dekedda Boosaaso in sida ugu haboon uga faa’ideystaan casharada lagu bixin doono isla markaana looga faa’ideyn doono hab u socodka shaqadooda.

Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso Maxamed Cali Xaashi

Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso Maxamed Cali Xaashi ayaa ka sheekeeyey maraxaladihii uu soo maray aqoon Isweydaariga isla markaana uu maahadcelin ballaaran usoo jeedinayo Wasaaradda Maaliyadda Puntland gaar ahaana Wasiirkeeda Faarax Cali Jaamac.

Wuxuu xusay in ciidamadan oo isugu jira ilaaladda amniga iyo kan canshuuraha ay jecelyihiin iney ka faa’ideystaan aqoon Isweydaarsiga ayna fursad qaali ah tahay in Xeradooda ku qaataan.

…..”””  Ciidankan oo isugu jira ilaalintii amniga iyo ilaalinta canshuuraha,waxaan Jecelnahay inuu ka faa’ideysan doono fursadatan Ilaahay mahadiisa ayna ku qaadanayaan xeradooda dhexdeeda, waa markii ugu horeysay oo tababar meel kale ka baxsan aysan u aadan laakiin halakan ay ku helaan…..””””ayuu yiri Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso.

______________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles