Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Xaflada furitaanka Maalmaha Talaalka Qaranka oo Garowe ka bilowday (Sawirro+Warbixin)

$
0
0

Garoowe (RBC RADIO) Xarunta Wasaarada Caafimaadka Puntland ayaa lagu qabtay maanta Xaflad lagu furayo talaalka Dabeysha oo socondoona mudo 4maalin ah kadib markii laga baqay in cudurkani oo laga helay gobolka Banaadir uu si fudud kusoo gaaro PuntLnd, Waxaana xafladaasi ka qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Masuuliyiin ka socotay 2da Gole Hay’adaha WHO iyo UNiCEF iyo Dhaqaatiir magac iyo maamuus ku leh deegaanada Puntland.

Dadkii kala duwanaa ee halkaasi ka hadley oo ay dhaqaatiirtu ka mid ahaayeen waxay ka digeen qatarta uu cudurkan leeyahay iyo in aan la yasin iyagoo cadeeyey in uusan daweyn lahayn balse uu leeyahay ka hortag ilmihii naafoobana aan dib loo daweyn karin, waxay ugu baaqeen dadka ka shakisan talaalka in ay yimaadaan goobaha caafimaadka si looga dhaadhiciyo Muhiimada uu caruurta u leeyahay talaalka, waxay kaloo cadeeyeen in wacyi gelinta lagu xoojiyo dhanka miyiga si loo badbaadiyo dadka halkaasi ku nool.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr Cali C/laahi Warsame oo halkaasi hadal kooban kasoo jeediyay ayaa sheegay in ay dirayaan kooxo Gaaraya 1800 oo Qof oo isugu jira Xooxaha talaalka wada iyo kormeerayaal si Guri walba albaabkiisa loo garaaco dhibaatada uu leeyahay dabayshana looga ilaaliyo Caruurta soo koreysa.

“Waxaan fariinta 1aad u dirayaa dhamaan wasaaradaha arimaha bulshada ka shaqeeya sida haweenka iyo Waxbarashada dhaqaatiirta iyo intii caafimaadka ka warheysaba in ay nagala shaqeeyaan ilaalinta Caafimaadka Deegaankeena,waxaan kaloo fariin u dirayaa Aabaha iyo hooyada waxaana leeyahay 2dhibic oo kaliya oo afka laga siiyo cunigiina ayuu alle idankii uga badbaadayaa Dabayl asiibta ee adiga mustaqbalkiisa haka horjoogsan,Saxaafada waxaan leeyahay siyaasada ayaad u badateen ee dhanka bulshada soo eega oo ka shaqeeya sidii waxyaabaha muhiimka ah aad ugu gudbin lahaydeen Bulshada meelaha fog fog ku nool, waxaan kaloo leeyahay aan ka gudubno caado dhaqameedkii hore oo aan kusoo dhamaanay dhan diin iyo dhaqanna aan waxba inaga tarin ayuu yiri wasiirka Caafimaadka Puntland.

wasiirku wuxuu sheegay in cudurkan markiisii hore laga helay Gobolka banaadir tartiib tartiibna uu kusii fiday Wasaarada Caafimaadka oo arintaasi walaac ka muujisayna waxay bilowday ayuu yiri kulamo arimahaasi looga wada xaajoonayo isagoo sii raaciyay hadalkiisa in Wasaarada ay xil weyn ka saarantahay ilaalinta Caafimaadka Shacab weynaha Puntland,isagoo ku qatimay hadalkiisa hadii waalidka ay ka madax adeegaan qaarkood talaalida Caruurta halkaasina ay dhibaato ka dhalato in Waalidkaasi uusan waxba dhaamin kuwa dadka Macna darada ku dila sida uu Wasiirku sheegay.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland mudane C/samad Cali shire oo gunaanadkii shirka madasha ka hadlayay wuxuu ka mahadcelshay fowjignaanta ay muujisay Wasaarada Caafimaadku iyo heeganka ay ugu jirto in cudurkaasi uusan fooda soo galin Deegaanada Puntland wuxuu kaloo u mahad celshay Hay’adaha WHO iyo UNICEF oo Wasaarada Caafimaadka Taageera isagoo najax u rajeeyey kooxaha talaalka ee gobolada loo dirayo.

” shaki kuma jiro cudurkii laga helay Xamar in uu Puntlandna kusoo wajahan yahay sidaa darteed waxaan leeyahay kooxda tallaalka sida waxaa la idinka rabaa dulqaad iyo taxadar intaad hawsha ku jirtaan waana in aad si dagan ula macaamishaan dadka aad u adeegeysaan, waalidka waxaan leeyahay Ubadka waad dhasheen laakiin waa la idinla intifaacsanayaa sidaa datreed ka fikira aayaha ilmihiina, Masuuliyiinta Min Gobol Degmo ilaa tuulo waxaan farayaa in ay ka warhayaan hawlaha talaalka Xilna iska saaraan, Sidaana waxaa yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo cunigii ugu horeeyey siiyay 2dhibic oo talaalka Dabeysha ah.

inkastoo 6sano ka hor ay ugu dambeesay puntland Talaalka cudurka Dabeysha ayaa misana Puntland maanta waxa ka bilaamey talaalka dadka waayayn ee cudurka Dabaysha waxaana noqdey qofkii ugu horeeyey ee dadka waa wayn ee talaalka cudurka dabaysha qaata madaxwayne ku xigeenka Puntland Gen Cabdi samad Cali Shire,talaalka cudurka dabaysha ayaa sidoo kale waxa lagu talaalidoona caruur tiro bayl ah si looga difaaco cudurka halista ah ee Dabeysha.

 

RBC RADIO
Xafiiska Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles