Boosaaso[RBC Radio] Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee Dawladda Puntland ayaa maanta aqoon Isweydaarsi ugu qabatay magaaladda Boosaaso Madaxda goboladda iyo degmooyinka goboladda Bari iyo Karaar .
Aqoon Isweydaarsiga ayaa mudada uu socdo waxay ka qeybgalayaashu yeelan doonaan dood wadaag ku saabsan Siyaasada maamul baahinta Puntland,taasoo laga soo bilaabayo kor isla markaana hoos loogu soo daadagayo.
Agaasimaha Qorsheynta Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cali Nuur (Jubba) oo ugu horeyn faah-faahin ka bixiyey Ujeedada aqoon Isweydaarsiga ayaa sheegay in looga goleeyahay Maamul baahinta Siyaasadda ee goboladda iyo degmooyinka Puntland.
…””” Maanta oo taariikhdu tahay 17.6.2013,waxaan halkaan isugu nimi inaan qabano aqoon isweydaarsigii ku saleysnaa habka Maamulka loo baahin lahaa ayna Ujeedadiisu ahayd sidii kor looga soo daadagi lahaa looguna sameyn lahaa Siyaasadii maamul baahinta taasoo laga soo unkaayo hoos ilaa iyo kor….””””ayuu yiri Maxamed Cali Nuur (Jubba) .
Maxamed Cali Nuur (Jubba) ayaa sheegay in hawsha maamul baahintu ay muddo soo socotay isla markaana la doonayo in sanadkan 2013 la doonayo in hay’adaha adeegyada bixiya ee Puntland uga qeybqaadan lahaayeen Siyaasadda maamul baahinta.
…….””Waxaan halkan ku cadeyneynaa hawshaas iyada ah oo muddo badan lagu soo guda jiray in laga bilaabo sanadka 2013 la rabo in la gaaro Siyaasadii maamul baahinta ee Puntland lana rabo qeybaha kala duwan ee dawladda gaar ahaana hay’adaha adeega bixiya oo ah Wasaaradaha Caafimaadka,Waxbarashada iyo biyaha dhamaaantood sidii ay doorar uga qaadan lahaayeen Siyaasadda maamul baahinta….””ayuu yiri Mr Jubba.
Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Gallan ayaa isna haladlo kooban oo u ka jeediyey aqoon Isweydaarsiga sheegay In marka hore gobolka Bari iyo maaladda Boosaaso kusoo dhaweynayo ka qeybgalayaasha.
……..”””” Marka ugu horeysay waxaan idin leenahay dhamaan martisharafta kulanka kazoo qeybgashay kusoo dhawaada gobolka Bari iyo caasimadiisa magaaladda Boosaaso….””””ayuu yiri Guddoomiye Gallan.
Wuxuu intaas ku daray Mudane Cabdisamad Maxamed Gallan in aqoon isweydaarsigu uu qiima iyo muhiimad badan xanbaarsanyahay isla markaana mudada uu socdo.
…….”””” Waxaan rajeyneynaa haddii Ilaahay idmo in Barnaamijkan oo ah mid aad u qiima badan ah ahmiyad badana xanbaarsan in lagu falanqeyn doono maamul wanaaga….”””ayuu yiri Gallan.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose ee Puntland ayaa horey uga soo qabatay aqoon Isweysaarsi dhanka maamul baahinta ah magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland ,waxaana aqoon Isweydaarsigan fulisay Wasaaradda Arimaha gudaha Puntland.
___________________________
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso